4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2015
Ra’iisul Wasaare Cumar iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 16, 2015 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wafti uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiirka dastuurka, wasiirka gadiidka, kan warfaafinta, kan diinta iyo awqaafta iyo xubno kale ayaa manta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Sharma’arke iyo waftigiisa ayaa booqasho qaadtay saddex maalmood ah ku tagay Imaaradka Carabta oo ay marti-qaad ay ka heleen, waxayan kulamo gooni-gooni ah la soo qaatee madaxda dalkaas.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa saxaafadda uga warbixiyay waxyaalihii u soo qabsoomay waftiga intii ay ku suganaayeen Dubai. Isagoo yiri.

"Waxaan la kulanay  madax kala duwan, waxaana kawada hadlnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga laba dal. Dowlada Somalia waxay uga mahadcelisay Imaaradka kaalamada balaaran ee ay la garab taagan tahay Somalia taasoo  isugu jirta dib u dhiska, tababarka ciidanka, arrimaha gar gaarka, iyo caafimaadka."

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya