4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2015
Garoon Kubadda cagta oo casri ah oo maanta laga furay Magaalada Boosaaso [SAWIRRO]
IMG_3463
Khamiis, Abriil 16, 2015 (HOL) — Magaalada Boosaaso waxaa xalay laga furay xarun isboortis oo casri ah, taasoo ka kooban garoon kubadda cagta lagu dheelo iyo qayb GYM ah oo loogu talo galay jir dhiska.

Milkiilaha xarunta Puntland Fitness Center Cabdullaahi Sheekh oo ka hadlay munaasabadda furitaanka, ayaa sheegay in xaruntan cusub ay ka mid tahay xarumo ay horay uga hirgaliyeen Puntland, xilli toddobaadkan garoon kan dhiggiisa ah ay ka fureen magaalada Garowe.

Cabdullaahi Sheekh ayaa sheegay in xarumahan loogu talo galay in qor loogu qaado Isdhexgalka bulshada iyo in dhallinyarada fursad loo siiyo goobo casri ah oo ay ku jimicsadaan waqtiyada firaaqada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaaradda Dekedaha, Gaadiidka badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda Cabdillaahi Aadan Ciise Toohe oo isagu garoonkan xarigga ka jaray ayaa soo dhoweeyay xarunta Puntland Fitness Center ee laga hirgaliyay Bosaso, wuxuuna Ganacsade Cabdullaahi Sheekh ugu hambalyeeyay hawsha uu u hayo bulshada iyo dadaalka uu ku bixiyo horumarinta ciyaaraha.

Cabdillaahi Aadan Ciise Toohe ayaa dhanka kale xusey in goobaha noocan oo kale ahi ay dhallinyarada ka mashquulinayaan tahriibka iyo waxkasta oo naftooda halis kara.

Cayaartii ugu horeysay ee xalay garoonkan cusub ka dhacdey ayaa dhex martey labo naadi oo ka kala tirsan bahda warbaahinta, waxaana labada naadi kala hoggaaminayey Axmed Jookar iyo Cismaan Turaabi Cayaarata oo ahayd mid aad u xiiso badan waxay guushu ku raacdey kooxdii uu hoggaaminayey Cismaan Turaabi oo iyadu ku guuleysatey 4-3. Afar xarumood oo noocan o kale ah ayaa horay looga hirgeliyey magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.
IMG_3454
IMG_3559
IMG_3586
IMG_3614
IMG_3395
IMG_3397

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya