4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2015
Dadweyne careysan oo dalbaday in Shaqada laga eryo Agaasimaha Guud ee Nabad-sugidda Kenya


Khamiis, Abriil 16, 2015 (HOL) — Baarlamaanka wadanka Kenya ayaa la gaarsiiyay codsi lagu dabanayo in shaqada laga eryo agaasimaha nabad-sugida Kenya Philip Kameru oo lagu eedeeyay inuu wax ka qaban waayay weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee lagu dilay 148-qof.

Illaa 25 ruux oo ay ku jiraan ehellada dadkii lagu dilay weerarkii Gaarisa ayaa qoraalkaan u gudbiyay baarlamaanka, iyagoo ku eedeeyay Philip Kameru iyo sarakiisha kale ee haya’dda habac-sanaan iyo karti-xumo dhanka shaqada ah.

“Madaxda amniga way ka gaabiyeen howshooda, waxaan dalbanaynaa in shaqada lag fariisiyo, lana soo magacaabo xubno kale oo awood leh,” ayay dadweynahaan Kenyan ah ku dhawaaqayeen.

Sidoo kale, dadweynahan ayaa waxay sheegeen in xukuumaddu ay iska dhego tirtay digniin ay soo jeediyeen dalalka Britain iyo Australia ee ahayd inuu dhici karo weerarrada lagu soo qaado dalkooda.

Dadweynahan mooshinka soo gudbiyay ayaa sidoo kale ku eedeynaya hay’adaha sirdoonka Kenya inay wax ka leeyihiin mas’uuliyadda weerarrada lagu soo qaadayo Kenya. Iyadoo gudoonka baarlamaanka Kenya uu sheegay inuu codsigan oo shalay la gaarsiiyay uu u gudbin doono xildhibaannada.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa qaarkood taageeray mooshinka laga soo gudbiyay agaasimaha nabadsugidda waddanka Kenya iyo saraakiiisha la shaqeysa; iyadoo ay xildhibaannadu sheegeen inay warbixinta talooyin ka dhiiban doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Kenya ayaa waxaa maalmahaan ka jiray muran ka dhashay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday Jaamaacada Gaarisa, kaasoo ay ku dhawaaqday Al-sabaab inay mas’uul ka tahay.  

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya