4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 16, 2015
Isgaarsiintii Maagaalada Cadaado oo hawada laga Saaray & Shirka oo la Filayo inuu Maanta Furmo


Khamiis, Abriil 16, 2015 (HOL) — Sida ay sheegayaan wararka la helayo waxaa hawada laga saaray isgaarsiintii degmada Cadaada ee gobolka Galguduud, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn sababihii keenay.

Waxay kaloo wararku sheegayaan in jarista isgaarsiinta degmadaas ay saameyn ku yeelatay shacabka degmadaas iyo kuwa ka ag-dhow, waxaana sida la ogyahay ku sugan Cadaado madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo wareedyo ku sugan degmadaas ayaa laga soo xigtay in sabababaha hawada looga saaray isgaarsiinta ay tahay arrimo amni, iyadoo lagu wado in maanta uu ka furmo degmadaas shirka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ammaanka Cadaado si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidammo Soomaali ah iyo kuwa AMISOM ay iska-kaashanayaan sugidda amniga halka uu shirku ka dhacayo.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya inaan weli si dhab ah xal looga gaarin caqabadihii hor-taagnaa, kuwaasoo hakad-geliyay furitaanka shirka gobollada dhexe oo lagu waday inuu Cadaado ka furmo Sabtidii aan soo dhaafnay, mar kalena shalay dib u dhac uu ku yimid.

Ugu dambeyn, illaa hadda lama oga xilliga ay isgaarsiintu xirnaan doonto, inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan in marka shirka la furo dib loo fasixi doono isgaarsiinta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya