4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 15, 2015
Maamulka Puntland oo cashuur kusoo rogey dadka deggen hoteellada
Arbaco, Abriil 15, 2015 (HOL) —Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo bilihii u dambeeyey ku hawlaneyd hirgelinta cashuuraha berriga ayaa lacag cashuur ah kusoo rogtey macaamiisha deggen hoteellada Puntland.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Axmed Yaasiin Saalax oo maanta xafiiskiisa magaalada Bosaso kula kulemy qaar kamid ah mulkiileyaasha hoteellada ayaa sheegay in hadda kadib dadka kusoo dega hoteellada ay dowladdu lacag cashuur ah ka qaadi doonto.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in lacagta macaamiisha hoteellada laga qaadayaa noqoneyso sadex boqolkiiba qiimaha kirada, islamarkaana ururinteeda dowladdu u xilsaaratey dadka maamula hoteellada.

Axmed Yaasiin ayaa ugu baaqey macaamiisha hoteellada inay bixiyaan cashuurta ku waajibtey isagoo xusey in bixinteedu culeys badan lagala kulmi doonin maadaama ay lacag aad u  yar tahay.

Taliyaha waaxda cashuuraha berriga ee gobolka Bari,  Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Cabdikariim oo isnka kulankan ka hadlay ayaa ugu baaqay ganacsatada inay soo gudbiyaan liiska dadka kusoo dega hoteellada si loo hubiyo inay ku jiraan kuwa amniga halis gelin kara iyo in kale.

Bishii December ee sanadkii hroe ayey ahayd markii dowladda Puntalnd sidan oo kale lacag cashuur ah ugu soo rogtey shaqalaaha ka hawlgaha jaamacadaha kuwaasoo lagu waajibiyey inay bixiyan lix boqolkiiba mushaharaadkooda.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya