4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 15, 2015
Maamulka Jubbaland oo si rasmi ah u shaaciyay xubnaha cusub ee baarlamanka [Sawirro]


Arbaco, Abriil 15, 2015 (HOL) —Xaflad ka dhacday xarunta madaxtooyada maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa maanta si rasmi ah loogu shaaciyay xubnaha kamid noqon doona baarlamanka Jubbaland.

Kadib kulamo ku aadan dhismaha baarlamanka oo mudooyinkii u danbeeyay ka socday magaalada Kismaayo ayaa maanta si rasmi ah loo shaaciyay xubnaha baarlamanka, iyadoo tirada xubnaha cusub ee baarlamanka Jubbaland ay gaareeyso 75 Mudane.

Goobta ayaa laga aqriyay liiska xubnaha ku guuleystay xildhibaanimada Jubbaland, waxaana intaa kadib isla goobta lagu dhaariyay xubnihii cusbaa ee baarlamanka, iyadoo ay madasha ku sugnaayeen madaxweeyne ku xigeennada, xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubbaland iyo sidoo kale xildhibaanno ka socday dowladda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Xeroow oo kamid ahaa xildhibaannadii madasha ka hadlay ayaa sheegay in baarlamanka laga doonayo in uu matalo shacabka islamarkaana la xisaabtamo xukuumadda, isagoo ku booriyay xubnaha cusub ee baarlamanka Jubbaland in ay ilaaliyaan dastuurka dalka.

Madaxweeyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo madasha hadal dheer ka jeediyay ayaa kula dardaarmay mudaneyaasha cusub ee baarlamanka Jubbaland in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalka.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.