4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 15, 2015
Furitaanka Shirka Cadaado oo Maanta suuro-geli waayay iyadoo la Filayo inuu Berri Furmo


Arbaco, Abriil 15, 2015 (HOL) — Shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe oo maanta la filayay inuu ka furmo degmada Cadaado ayaa suuro-geli wayday; iyadoo lagu wado inuu maalinta berri furmo.

Dadaallo lagu doonayo in lagu xalliyo caqabadaha hor-taagan inuu shirkan furmo ayaa weli ka socda degmada Cadaado, iyadoo la sheegayo in qodobka ugu weyn ee la isku khilaafsan yahay uu yahay halka ay caasimadda maamulka noqon doonto.

Mas’uuliyiinta Ximan iyo Xeeb ayaa weli ku adkeysanaya in caasimadda aanu xaq u lahayn madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh inuu ku dhawaaqo ayna tahay inay ka gaaraan go’aan ergooyinka ku shiraya Cadaado.

Sidoo kale, ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Key oo xubno uu ka mid yahay ergayga IGAD ee Somalia, Maxamed Cabdi Afeey ayaa maanta tagay Cadaado si ay uga qaybqaataan xal u helidda khilaafka taagan.

Xubnaha ka socda Beesha Caalamka ee maanta gaaray degmada Cadaado ayaa kulammo la qaatay madaxweynaha Somalia iyo xubnaha kula sugan Cadaado ee dowladda ka socda iyo mas’uuliyiinta Ximan iyo Xeeb, iyagoo kala hadlay khilaafka jira.

Inkastoo aan la sheegin go’aanka kasoo baxay kulamadan ayaa haddana Nicholas Kay iyo wafdigii la socday waxay gellinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabteen Muqdisho, kaddib markii furitaanka shirka uu baaqday.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa caawa habeenkii labaad ku hoyanaya degmada Cadaado, isagoo isku dayaya inuu xal u helo is-mari-waaga weli taagan, si furitaanka shirka uusan dib uga dhicin maalinta berri ah.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga natiijada kasoo bixi doonta kulammada degmada Cadaado ku dhex-maraya madaxweyne Xasan Sheekh iyo mas’uuliyiinta maamulka Cadaado, iyadoo kulammadan aan la isku af-garan ay socdeen tan iyo shalay oo uu madaxweynuhu gaaray degmadaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya