4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 15, 2015
Ururka Midowga Yurub oo Madaxda Somaliland Weydiistay in ay Si Dhaqso ah ku Joojiso Dilka


Arbaco, Abriil 15, 2015 (HOL) — Madaxda Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah ayaa dhaleeceeyay dilkii ay Somaliland ku fulisay lixda qof oo dabiilayaal ahaa, iyagoo ugu baaqay maamulka Somaliland inay joojiyaan fulinta dilalka lagu fuliyo dadka dambiyada lagu helo.

Hoggaanka Midowga Yurub ayaa sheegay in falkaas uu ahaa mid aanayn la filayn, isla markaana dib u dhac ku ah guulaha laga gaaray in la fidiyo nidaamka sharciga Somaliland.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa si ba’an uga soo horjeestay ciqaabta dilka ah ee la fuliyo, waxayna u tix-geliyaan in dilku yahay ku xad-gudub dhinaca Aadanaha ah; isla markaana khatar ku ah xuquuqda iyo sharafta bani’aadamka.

Madaxda hawlgalka Midowga Yurub ayaa si ba’an uga soo hor-jeedaan xabaalaha la qoday sagaal sano kaddib markii la joojiyay dilalka ciqaabta ah; iyagoo madaxda Somaliland ku adkeeyay inay dib uga fekeraan go’aanadooda dilalka ah.

Dhanka kale, Midowga Yurub ayaa ka dalbaday mas’uuliyiinta Somaliland inay si dhaqso ah u joojiyaan xukunnada dalalka ah oo ay ugu horrayso joojinta xukunka dilka ah.

Ugu dambeyn, ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay rajaynayaan in madaxda Somaliland ay kala shaqeeyaan fulinta qorshayaasha ay ku joojinayaan dilalka loo geysnayo dadka dambiyada lagu helo.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Somaliland ayaa maalin ka hor toogasho ku dishay lix qof oo lagu eedeeyay inay dilal kala duwan ka geysteen deegaannada ay ka kooban tahay Somaliland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya