4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 15, 2015
DARAASAD lagu Ogaaday in Furriinka uu sababi karo Cudurro uu ka mid yahay Wadne Xanuunka


Arbaco, Abriil 15, 2015 (HOL) — Furitaanka ayaa la sheegay inuu keeno cudurka wadno xannuun marka la barbardhigo dadka uu guurkooda guuleystay, waxaa sidaa lagu sheegay cilmi baaris laga sameeyay dalka Maraykanka.

Wareysiyo lala yeeshay 15,827 qof ayaa muujinaya in haweenka dhibaato aad u daran ay soo gaarto marka ay kala tagaan saygooda, waxayna khatartaas yaraaneysaa marka dib loo guursado haweenka.

Cilmi baaristan oo lagu soo daabacay wargayska journal Circulation, oo ka soo baxa dalka Maraykanka, ayaa ku baaqay in walwal aad u daran uu la xiriiro marka uu furitaan dhaco, waxa uuna keenaa saameyn wakhti badan qaadata oo ku raagta jirka qofka.

Hay’adda British Heart Foundation ayaa ku baaqday in la sameeyo cilmi-baaris badan ka hor inta furriinka loo aqoonsan inuu keeno dhibaato dhanka wadnaha ah. Waxay intaa ku dartay hay’adda in hadduu dhinto qof aad kuugu dhow ay dhici karto in qofka uu khatar ugu jiro inuu ku dhaco wadne xannuun.

Hadda koox ka socota Jaamacadda Duke University ayaa sidoo kale sheegtay in dhibaato dhanka wadnaha ah ay dhici karto furriinka kaddib.

Xilligii la sameeyay cilmi baaristan,oo u dhaxaysay 1992 iyo 2010, qiyaastii hal qof oo ka mid ah seddex qof oo baaritaan lagu sameeyay ayaa ugu yaraan la furay hal jeer.

Haweenka la furay hal jeer ayaa tiradooda ay tahay boqolkiiba labaatan iyo afar, waxaana suura gal ah in ay qabaan wadna xanuun, sida lagu sheegay cilmi barista haddii loo barbardhigo kuwa guurkooda uu guuleysto.

Tirada ayaa ahayd 70% kuwa labada jeer la furay. Marka ragga la fiiriyo haweenka way ka duwan yihiin oo 10% ayaa khatar wajaha marka ay furitaan sameeyaan, laakiinse waxay tiradaasi kordheeysaa marka laba jeer ay ragga furiin sameeyaan, oo waxa ay gaaraysaa boqolkiiba sodon.

Prof Linda George, oo ka mid ah dadka cilmi baaristan sameeyay ayaa sheegay " khatartan waxaa loo bar-bardhigi karaa tan dhiig karka ama haddii qofka uu qabo sokoroow, marka halkaas ayuu gaarsiisan yahay, waana mid baaxaddiisu ay ballaaran tahay.

Xigasho, BBC-Somali