4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 15, 2015
Danjire Nicholas Kay iyo ergo ka socda caalamka oo Maanta gaaray Magaalada Cadaado


Arbaco, Abriil 15, 2015 (HOL) — Ergayga QM ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa maanta gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galguduud oo la filayo inuu ka furmo shirka dhismaha maamulka gobollada Galguduud iyo Mudug; halkaasoo uu madaxweyne, Xasan Sheekh ku sugan yahay.

Danjire Kay ayaa la sheegay inay la socdaan mas’uuliyiin uu ka mid yahay safiirka Turkiga ee Somalia iyo wakiilka urur-goboleedka IGAD ee Somalia, Maxamed Cabdi Afey, iyadoo ujeeddada wafdigan ayaa lagu wadaa inay kaga qayb-galaan furitaanka shirka maamulka gobollada dhexe oo weli ay caqabadi ka taagan tahay furmiddiisa.

Sidoo kale, madaxweyaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ku sugan Cadaado muddo laba casho ah; mana jirto wax natiijo ah oo wali laga gaaray qorshaha maamulka loogu dhisayo gobollada dhexe, inkstoo dadaal loogu jiro xallinta khilaafka jira.

Dhanka kale, wararka laga helayo degmada Cadaado ayaa sheegaya in weli uusan shirku furmin, ayna socdaan kulammo kala duwan oo lagu xallinayo khilaafaadyada ka taagan qodobbo la isku haysto oo uu ka mid yahay go’aankii madaxweyuhu uu ku sheegay inay Dhuuso-mareeb noqonaynso caasimadda maamulka la dhisayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected] 
Muqdisho, Soomaaliya