4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 15, 2015
WARBIXIN: Maxaa hor-taagan furitaanka shirka Cadaado ee dhisida Maamulka Gobollada Dhexe?


Arbaco, Abriil 15, 2015 (HOL) — Iyadoo maanta lagu ballansanaa inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud shirka dhismaha dhismaha maamulka gobollada dhexe, ayaa dhinaca kale waxaa muuqanaya caqabado wali ku hor-gudban shirka qobsoomiddiisa.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud oo maalintii shalay gaaray magaalada Cadaado ayaa ilaa habeenimadii xalay kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ahba la lahaa mas'uuliyiinta maamulka Ximin iyo Xeeb, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda labada gobol Galguduud iyo Mudug, waxaana shirarkaa looga wadda hadllayay intooda badan arrimo xasaasi ah.

Mas'uuliyiintii iyo siyaasiyiintii la shirtay madaxweynaha ayaa lagu waramayaa in ay soo bandhigeen sharuudo dhowr ah oo ay tahay in laga hormariyo fulintooda qabsoomida shirka, waxaana warar hoose oo soo baxaya sheegaya in laga dalbaday madaxweynaha inuu dib uga laabto go'aankii uu qaatay ee ahaa in caasimaddu ay noqonayso Dhuusa-mareeb.

Mas'uuliyiinta Ximin iyo Xeeb iyo siyaasiyiinta go'aanka madaxweynaha sida weyn uga soo horjeeda ayaa ku tilmaamay arrintaa mid uu ku deg degay madaxweyne Xassan, madaama loo baahnaa in ergada ka qeyb-qaadaneysa shirka go'aan ka gaaraan halka laga dhigayo caasimada.

Hase ahaatee madaxweyne Xassan Sheekh ayaa u muuqda mid ku adkeysanaya go'aankiisii ahaa in Dhuusa-mareeb ay noqonayso Caasimada Maamulka Gobollada Dhexe, sababta booqashadiisa Cadaadana tahay kaliya inuu furo shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe.

Dhinaca kale, waxaa soo ifbaxaya caqabad kale oo ka taagan tirada ergada loo baahan yahay in ay shirka ka qeyb-gasho iyo sidda ay u qabsanayaan beellaha wada-dega labada gobol, waana dooda ugu weyn ayaa la leeyahay eeragaadisay ama dib u dhigtay in uu shirku furmo.

Magaalada Dhuusa-mareeb waxaa saacadihii ugu danbeeyay ku sii qul-qulayay ergooyin ka kala imanaya deegaannada labada gobol, kuwaasoo doonaya in ay ka qeyb-gallaan shirka, waxaa siddoo kale iyagana meesha ka marneyn musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo durbaba bilaabaya xod-xodashada xubnaha ka qeyb-gali doona shirka.

Wali waxaa soconaya kulamo adag oo u dhaxeeya madaxweyne Xassan Shiikh iyo xubnaha maamulka Ximin iyo Xeeb oo wehliyaan siyaasiyiin iyo waxgarad siweyn uga soo horjeeda mowqifka madaxweynaha ee ah go'aan ka gaarista halka caasimada maamulka gobollada dhexe laga dhigayo.

Puntland ayaa iyana xusid mudan oo si gaar ah ula socta nooca maamulka halkaas kasoo bixi doona, madaama ay ku doodayaan in dowladda looga fadhiyo fulinta hishiiskii ahaa in maamulka gobollada dhexe loo dhisayo noqdo mid ka kooban Galguduud iyo Koonfuta Mudug.

Si kastaba, inkastoo Cadaado siweyn ugu diyaar-garoowday marti-galinta shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe, ayaa haddana waxaa soo ifbaxaya caqabado lagu adag oo u bahaan in leysla meel dhigo si markaa shirku furmo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya