4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 15, 2015
Wasiiro Maanta booqday dhaawacyadii weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 15, 2015 (HOL) — Ku-simaha RW Somalia ahna wasiirka Amniga, C/risaaq Cumar Maxamed oo ay wehlinayeen wasiirka waxbarashada, Khadar Bashiir Cali, wasiirka batroolka iyo macadanta, Maxamed Mukhtaar Ibrahim, wasiir-u-dowlaha waxbarashada, C/llaahi Bile Nuur iyo xubno kale ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii shalay lala beegsaday wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare, halkaasoo ay deggenaayeen wasaaradaha waxbarashada iyo batroolka Somalia.

Wasiirradan ayaa ku booqday Isbitaalka Turkiga ee Deva oo la geeyay inta badan dadkii ku dhaawacmay soo gaareen, waxayna u rajeeyeen caafimaad, iyadoo wasiirrada ay warbixin ka dhageysteen maamulka isbitaalka Deva oo dhaawacyada daweyn ku haya.

“Runtii arrintan waa fal argagax leh, kuwa dhibaatadan u geystay shacabkana way ku naar-tagayaan. Shacabka Soomaaliyeed waa inay ciidamada ammaanka ay kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo ka hortagga weerarrada noocan oo kale, sababtoo ah qof dhuumanaya oo haddana naftiisa haligaya waa khatar, waase laga hor-tegi karaa haddii shacabka iyo ciidamada amnigu wada-shaqeeyaan,” ayuu yiri wasiirka Amniga Gudaha.

Sidoo kale, wasiirka waxbarashada Somalia, Khadar Bashiir Cali ayaa EEBBE uga bariday dhaawacav caafimaad dhaqso ah, iyadoo tacsi u dirtay ehellada dadkii ku naf-waayay weerarka, waxayna sheegtay inay aad uga xun tahay wixii ka dhacay wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare oo dhibaato badan ay kasoo gaartay dad aan waxba galabsan.

Ugu dambeyn, wasiirka wasaaradda shidaalka iyo macdanta, Maxamed Mukhtaar oo isna ka hadlay goobta ayaa ku tilmaamay weerarkii shalay mid wuxuushnimo ah oo Al-shabaab ay kusoo qaadday Wasaaradaha dowladda qaarkood, isla markaana wuxuu xusay inay ku guul-darreysteen isku-day-goodii ahaa inay hakad-galiyaan dib u dhiska Qaranka.

Weerarkii shalay lagu qaaday dhismaha Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo ay sheegatay Al-shabaab ayaa lagu dilay in ka badan 18-qof oo isugu jiray askar, shacab, kooxihii weerarkaas geystay iyo qaar ka mid ah shaqaalihii ku sugnaa goobta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya