4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 15, 2015
Kal-fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya oo dib loo dhigay iyo Qorshe Xukuumadda loo Gudbiyay


Arbaco, Abriil 15, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa maanta ku dhawaaqay in dib loo dhigay mar kale furitaankii kal-fadhiga lixaad ee baarlmaanka Somalia oo ahayd inuu furmo 20-ka bishan, isagoo sidoo kale xusay in xukuumadda Soomaaliya ay u gudbiyeen qorshe howleedka uu ku shaqeyn doono baarlmaaanka Somalia kal-fadhiyada soo socda.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee baarlamaanka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Ciyoow oo la hadlay warbaahinta kulanka guddiga joogtada ah ee baarlamaanka oo dib loogu dhigay furitaankii baarlamaanka ayaa sheegay inuu furmi doono kal-fadhiga lixaad 27-ka bishaan; kaddib markii cilad-farsamo ay ku timid furitaankii kal-fadhiga baarlmaaanka.

“Kulanka guddiga joogtada ah waxaa diiradda lagu saaray furitaanka kalfadhiga lixaad ee baarlamaanka runtii si aad u wanaagsan ayaa looga dooday howshan waxaana la isla gartay in kal-fadhiga la furo 27--ka bishaan Abriil,“ ayuu C/llaahi u sheegay warbaahinta.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isna ka hadlay warbaahinta ayaa hoosta ka xariiqay inay xukuumadda Somalia ay horay ugu gudbiyeen qorshaha u degsan baarlamaanka Somalia.

“Xukuumadda waxaan u bandhignay habka u shaqeyn doono baarlamaanka kal-fadhiyada 6-aad, 7-aad iyo 8-aad ee soo socda ama shin-tiriska uu golaha ku shaqeyn doono,si aan isla jaan-qaadi karno, waxyaabaha ay u baahan yihiin in la kala hor-mariyo kuwa ahmiyada leh, in loo xoojiyo wada-shaqeynta labada gole, in sidoo kale wada-tashiga hay’adaha kale lala yeesho, sida culumaa’uddiinka iyo qaybaha bulshada,” ayuu yiri Jawaari.

Ugu dambeyn, afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusay in tani ay tahay nidaam cusub oo ku saabsan in labada gole ay iskula jaan-qaadaan oo ay meesha ka baxdo is-qab-qabsi, isla markaana si wadajir ah loogu shaqeeyo danaha guud ee dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya