4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 15, 2015
Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika oo Cambaareeyay Weerarkii ka dhacay Muqdisho


Arbaco, Abriil 15, 2015 (HOL) — Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday shalay Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Somalia, iyagoo ku tilmaamay weerar arxan-darro ah.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 18-qof oo shacab, ashar iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda ka tirsan, iyadoo weerarkan uu ahaa mid muddo kooban socday.

"Waxaan sida ugu adag u cambaareynayaa weerarkii argagaxiso ee naxinta lahaa ee ka dhacay Muqdisho, waxaana aad iiga naxisay sida arxan-darrada ah ee kuwa weerarka soo qaaday ayna ugu aabo-yeelin nolosha dadka aan waxba galabsan. Weerarkii lala beegsado Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare waa weerar lagu qaado dadaalka geesinimada leh ee ay dadka Soomaaliyeed ugu jiraan sidii ay mustaqbal ifa u dhisaan dhallinyarada dalkooda,” ayuu yiri ergayga QM ee Somalia Nicholas Kay.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Maalmahan waa maalmo adag oo soo wajahay dadka nabadda jecel iyo dalalka ku yaalla gobolka. Waa inaan u midownaa kuna adkaanaa si aan u wajahno argagaxisada. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dowladda Somalia iyo qoysaska iyo asxaabta ay ka geeriyoodeen dadkii weerarkaas lagu dilay, waxaana ku dhaawacmay u rajeynayaa caafimaad degdeg ah.”

Sidoo kale, danjire Nicholas Kay ayaa ku celceliyay in Qaramada Mioobay ay go’an tahay ayna ka daaleynin la-dagaallanka musiibada argagaxisada iyo taageerada dadka iyo dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida Somalia.

Dhanka kale, ergayga Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maman S. Sidikou ayaa isna ku tilmaamay weerarkan mid argax-darro ah oo lagu dhibaateeyay shacab aan waxba galabsan.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii lagu qaaday wasaaradda oo lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Waxaana dhanka kale ammaanayaa ciidamadii sida geesinimada lahayd uga hortagay weerarkaas,” ayuu yiri Danjire Sidikou.

Ugu dambeyn, ergayga wuxuu dhankiisa sheegay in AMISOM iyo Midowga Afrika ay ka go’an tahay inay sii waddo taageerada ay la garab-taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si dalka loo gaarsiiyo horumar iyo xasillooni waarta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya