4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 15, 2015
Kenya oo Dhallinyaradeeda ku Biiray Al-shabaab ugu Baaqday inay si dhaqso ah isku soo dhiibaan

Arbaco, Abriil 15, 2015 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inay cafis u fidineyso dhallinyarada dalkeeda u dhashay ee ku biiray Xarakada Al-Shabaab, haddii ay 10 maalmood gudahood isku soo dhiibaan.

Wasiirka Amniga Kenya, Joseph Ole Nkaissery ayaa ku wargeliyay dhallinyarada Keenyaan ah ee ku biiray Al-shabaab inay iska soo xaadiriyaan xafiisyada dowladda ee magaalada Nairobi, Mombasa ama Gaarisa.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu ugu baaqay dhammaan xubnaha aaday Somalia ee soo tababartay ay joojiyaan wad-shaqeynta ay la leeyihiin Al-shabaab, ayna iska diiwaan-geliyaan xafiisyada ay dowladdu ku leedahay dalka oo dhan.

Nkaissery ayaa sidoo kale xusay inay damaanad qaadayaan dhallinyarada isku soo dhiiba, isla markaana ay u sameynayaan taageero iyo is-dhex-gal wanaagsan.

Wasiirka amniga gudaha Kenya ayaa intaas ku daray in waalidiinta ama ehellada caruurtooda la la'yahay ee loo maleyo in la xagjireeyay ama lagu dilay Somalia ay iyaguna wargeliyaan xafiisyada dowladda.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu ugu hanjabay waaliddiina aan dowladda ku wargelinta inay ilmahoodu maqan yiiin ay qaadanayaan mas’uuliyadooda ayna wax ka og-yihiin inay qeyb ka yihiin argagixiso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaalliya