4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 13, 2015
Maxkamadda Gobolka Sool oo Maanta toogasho ku xukuntay Askar ka tirsan Ciidanka Somaliland


Isniin, Abriil 13, 2015 (HOL) — Maxkamadda ciidamada milateriga Somaliland ayaa dil ku xukuntay maanta saddex askari oo ka tirsan ciidamada millatariga Somaliland oo siyaabo kala duwan dilal uga gaystey gobolka Sool, sida ay eedeysanayaashan maxkamadda ka hor-qirteen.

Maxkamadda degmada Laascaanood ayuu saaka jawigeedu ka duwanaa sidii hore ee lagu yaqaannay; waxaana soo bux-dhaafiyay ciidammo sugayay amniga kuwaasoo isugu jiray millateri iyo booliis.

Dood-dheer oo ay Qareenadda u doodayay saddexda eedaysane oo kala ah; Ismaaciil Cabdi Cali, Cabdi Cali C/llaahi iyo Mustaf Saalax Samatar kaddib ayay maxkamaddu sheegtay in saacado kaddib in la isugu soo noqdo, iyadoo ay maxkamadda ku sugnaayeen dadweyne fara badan oo eegayay xukunka maxkamaddu gaadho.

Ugu dambeyn, waxaa xukunka maxkamadda u akhriyay saxaafadda, Col. Maxamuud Xirsi Faarax oo sheegay in maxkamaddu ay ku xukuntay sadexda eedaysane dil toogasho, isagoo raaciyay marag-muujinta iyo qiraallo ay ka hor-bixiyeen maxkamadda eedeysanayaasha la xukumay.

"Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada milateriga Somalialand waxay eedaysanayaashu ku xukuntay toogasho, maxkamadda ayaana go’aankaan gaardhay," ayuu Col. Maxamuud Xirsi u sheegay warbaahinta.

Si kastaba ha ahaatee, maxkamadda ciidamada ee gobolka Sool ayaa dhowr jeer oo hore xukunno dil ah ku ridday eedeysanayaan kala duwan, waxaase yar inta xukunnadaas lagu fuliyo eedeysanayaasha; iyadoo hadal-haynta shacbka ay ahayd yaa fulin doona xukunnada ay makxamaddu riddo, taasoo ah gacan uur ku jirta.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool