4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 13, 2015
Somaliland oo Maanta Lix qof ku Fulisay dil qisaas ah kaddib markii lagu Xukumay Toogasho

Isniin, Abriil 13, 2015 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa shaacinay inay maanta ku fulisay xukun qisaasa lix ruux oo horay dilal u geystay, kuwaasoo markii ay ku cadaatay dilkooddii la fuliyey.

Dilka lixdan ruux ayaa ka dhacay Deegaanka Mandheere oo Bariga magaalada Hargeysa, waxaana sarkaal u hadlay wasaaradda Cadaaladdu markii ugu horreysay shaaciyay xukunka qisaastaasi.

Toogashada lixdan qof waxa goob joog ka ahaa eheladda laba qoys, saraakiil wasaaradda cadaaladda ka socday, xeer ilaalinta iyo ciidamada kala duwan.

Cabdi Cabdillaahi, oo ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda iyo garsoorka Somaliland, ayaa sheegay in dadkani hore u gaysteen dil kala duwan, isla markaana ay maxakamaduhu ku xukumeen toogashada, sidoo kalena ehelada dadka la toogtay iyo kuwa dilalka gaystay isla af-garteen in la dilo.

Lixda Qof ee Toogashada lagu Fuliyey ayaa kala ahaa:

1. Maxamed Daa’uud Axmed oo 25 jir ahaa iyo Cabdiwali Cilmi Muuse oo 25 jir ahaa oo si wada jir ah Boorama ugu dilay Marxuum Mukhtaar Cismaan Warsame, taariikhdu markay ahayd 30-03-2008-dii.

2. Iliyaas Cabdillaahi Aadan oo 4o jir ahaa oo Magaalada Hargeysa ku dilay, Marxuumiinta kala ah Aadan Cabdi Mursal iyo  Muuna Axmed Maxamed, taariikhdu markay ahayd, 26-07-2003-dii;

3. Maxamed Axmed Xirsi oo 24 jir ahaa oo Magaalada Burco ku dilay Marxuumad Farxiya Daahir Cabdi oo Xaaskiisa ahayd, taariikhdu markay ahayd 10-05-2011-kii;

4. Ex Dable Askari Boolis ah Maxamed Cabdillaahi Cabdi Guuleed oo 28 jir ahaa, oo tuulada Qoton dabo ku dilay Marxuum xuseen Maxamuud Cawaale(Gacmo-dheere), maalintii 22-03-2015-ka;

5. Ex Dableh, Askari Ciidanka Militariga ahaa Cabdirashiid Xasan Cumar oo 25 jir ahaa, Magaalada Hargeysa ku dilay Marxuum Cabdifataax Maxamed Soodaani 07-08-2009;

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii dilalka kusoo bateen Somaliland, isla markaana xukunadda dilka lagu xukumo gacan ku dhiigleyaasha lagu hayo jeelka, taasina ay abuurtay inuu sii bato dilal ay ku kacaan askarta iyo dadka caadiga ahaa.

Xukunka qisaasta ah ee lagu fuliyey gacan ku dhiigleyaashan ayaa noqonay kii ugu horeyey ee tan iyo madaxweyne Siilaanyo fuliyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland