4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 13, 2015
Wasaaradda Waxbarashada iyo Dalladaha Ahliga ah oo isku raacay in la Qaado Imtixaan Qaran

Isniin, Abriil 13, 2015 (HOL) — Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Somalia iyo Dalladaha Ahliga ah ee waxbarashada dalka ayaa maanta isku-waafaqay in hal mar dalka oo dhan laga qaado imtixaan Qaran, iyadoo arday kasta oo imtixaanka ka qayb-qaadanaya uu buuxiyo Foomka Diiwaan-gelinta Ardayda kaasoo ay labada dhinac isku waafaqeen.

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Somalia, Maxamed C/qaadir Nuur ayaa sheegay in sannadkaan wasaaradda ay ka go’an tahay inay qaado imtixaan Qaran oo loo dhan yahay loogana baahan yahay gabi ahaan dalladaha iyo ardayda inay haystaan Foomamkan.

Si kasta ha ahaatee, wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare oo kala shaneysa daladaha waxbarashada dalka in sannadkan 2015-ka la qaado imtixaan Qaran oo loo dhan yahay.

HALKAN KA EEG FOOMAMKA IMTIXAANAADKA SANNADKAN:



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya