4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 13, 2015
XASAN SHEEKH: Waxaa Jira Dad doonaya in ay Horumarka yar ee la Gaaray Is-hortaagaan


Isniin, Abriil 13, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayay xaaladda dalka ayaa sheegay inay jiraan dad doonaya inay is-hortaagaan horumarka uu ku tallaabsaday dalka.

Xasan Sheekh oo aan magacaabin cidna ayaa sheegay in dadkaas oo qaabab kala duwan u abaaulan kuwaasoo dano-gaar ah wata. Isagoo xusay inuusan hadafkoodaas u suuro-geli doonin oo ay dowladdiisu arrintaas is-hortaagayso.

“Horumarkii yaraa ee la gaaro haddii qofi uu doonayo inuu is-hortaago oo uu caqabad ku noqdo horumarkaas. Erayada ay adeegsadaan waxaa ka mid ah in horumar walba oo lagu tallaabsado ay ku tilmaamaan mashuur ay wataan dad gaar ah iyo reer hebel, balse waan ka hortagaynaa,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri hadalkiisa.

Madaxweynaha Somalia oo sii hadlayay ayaa sheegay in kuwaas ay weli ku haminayaan inay carqaladeeyaan horumarka la gaaray, waxaana leennahay dano ay cid gaar ah wadato oo dalkaan ka hirgalaya ma jiraan.

“Waxaan leeyahay kuwa falkan ku jira ee welina doonaya in ay sii wadaan ha  khasaarina xooggiinna oo ha ka dhigina xoog doofaar lagu eryay oo kale. Kuwa kale ee doonaya inay waddadaas maraanna waxaanu leennahay ka jooga, haddii kale waad kulmaysaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka digay in la qabiileeyo siyaasadda iyo ganacsiga dalka, isagoo xusay in qabiileysi aanay jirin horumar lagu gaaray; waxaana tusaale laga dhigan karaa halka ay maanta Soomaali joogto.

“Arrinta kale ee aan ka digayo waa inaan la qabiileyn siyaasadda iyo ganacsiga. Dhawaan markaan gobollada dalka qaarkood u safrayay waxaa jira dad igu yiri maxaad ka doonaysaa gobolladan aan la tegi karin. Balse waxaan u sheegayaa in haddii aanan dhex-tegin dadkeyga u tegin oo aan kala maslaxeyn sidee horumar lagu gaarayaa,” ayuu yiri madaxweynaha Somalia.

Hadalka madaxweynaha Somalia ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dadaal weyn loogu jiro dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Somalia oo ay dhowr jeer khilaafyo kala duwan ka dhasheen dhismihiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya