4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 13, 2015
Xaflad lagu soo Dhaweynayay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo lagu Qabtay OHIO (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 13, 2015 (HOL) — Waxaa Xalay lagu Qabtay Hoteelka Embassy Suits ee magaalada Columbus, OHIO xaflad lagu soo dhawaynayay Boqor Burhaan Boqor Muuse; taasoo ay ka qayb-galeen boqolaal qof oo ku nool gobalka Ohio.

Munaasabada ayaa waxaa ka hadlay xubno isugu jiray Isimo, culumaa'uddiin, siyaasiyiinta iyo haweenka goholka Ohio ku nool oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan labada aqal ee dalka Mareykanka.

Sheekh Aadan Sheekh C/llaahi oo ka hadlay furitaanka munaasabadda ayaa ku dheeraaday cabsida ALLE iyo sida ay u nimcaysan tahay Soomaalida ku nool Columbus; maadaama ay leeyihiin masaajiddo camiran oo ka badan toban masjid.

Boqor Burhaan ayaa lagu marti-qaaday Axaddii shalay furitaanka xarun aad u weyn oo laga furayay xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay, taasoo ka koobanaan doonta rugo wax-barasho, goobo jir-dhis, guryo la dago, barkado lagu dabaasho iyo masaajid ay ku tukan karaan markiiba 9,000 oo qof.

Waxaa kaloo ka mid ahaa dadkii xafladda ka hadlay Cali Jaamac oo magaca guddiga qaban-qaabada xafladda ku hadlayay, isagoo ka hadlay taariikhda aasaaska boqortooyada uu boqorku kasoo jeedo oo uu sheegay inay muddo 400 oo sano ah ka hor soo billaabatay.

Ugu dambeyn, waxaa hadalka lagu soo dhaweeyay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo si kooban uga hadlay inay jirto rajo wanaagsan oo laga qabo inay Soomaalidu heshiis iyo hanasho dawladnimo gaarto; taasoo uu xusay inuu socdaalkiisa Mareykanka ku saleysan yahay.

Boqorka ayaa ka codsaday dadwaynihii kasoo qaybgalay xafladda inay gacan ka gaystaan dib u dhiska dalka oo aysan ku koobnaan oo kaliya lacagaha yar ee ay u diraan dadka ku nool dalka gudihiisa. Sidoo kale, Boqor Burhaan ayaa hadallo dar-daaran iyo duco isugu jiray u jeediyay dadwaynaha Columbus. Iyadoo lagu guddoonsiiyay hadiyado kala duwan oo uu si aad ah uga mahad-celiyay.

Waxaa kaloo si guud ahaaneed ugu mahad-celiyay shacabka Ohio oo uu kula dar-daarmay in la midoobo isla markaana la is-cafiyo si dhibka looga baxo waxna loogu qabto waddankii. Wuxuuna ammaan u jeediyay guddigii soo qaban-qaabiyay xaflaaddii quruxda badnayd ee sida heerka sare ah loosoo agaasimay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya