4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 13, 2015
Mid ka mid ah Haweenka ku Masawiran 1000-ka shillin Somaliga oo Maanta lagu Aasay Muqdisho


Isniin, Abriil 13, 2015 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu aasay Alle ha u raxmadee, Xaawo Nuur Hiraabe oo ah mid ka mid ah labada haweenka ah ee ku sawirran 1000 Shillin Somaliga oo saaka ku geeriyootay isbitaalka Keysaney ee Muqdisho.

Xaawo Nuur ayaa muddooyinkii dambe xanuunsanayd, iyadoo lagu aasay qubuuraha Sheekh Cali Cabdulle oo ku yaalla duleedka bari ee Muqdisho, iyadoo aysan jirin mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aaskeeda ka qayb-galay.

Faadumo Xirsi oo ahayd haweeneyda kale ee ku sawiran 1000-ka Shillin ee Soomaaliga ah ee maanta dalka laga isticmaalo ayaa horay Muqdisho ugu geeeriyootay.

Mid ka mid ah ehellada marxuumadda oo lagu magacabo, Xasan Maxamuud Jimcaale ayaa sheegay in Xaawo Nuur ay shanti bilood ee u dambeeyay ku xanuunsanayd Muqdisho ayna geeyeen isbitaalka ay ku dhimatay saakay.

“Waxay ka mid ahayd Xaawo labada haweenka ah ee ku sawirkan 1000 shillin Soomaaliga, waxayna da’adeedu ahayd toddobaatameeyo sano. Waxayna u geeriyootay xanuun shantii bilood ee u dambeeyay hayay,” ayuu yiri Xasan Maxamed.

Sidoo kale, Xasan ayaa sheegay inay dhashay afar ilmo ah oo isugu jiray laba wiil iyo laba gabdhood, balse labadii wiil iyo gabar ayaa intii ay nooleyd dhintay, waxaana hadda ifka uga tagtay gabar oo keliya.

“Marxuumad Xaawo waxay ka mid ahayd haweenka farshaxanka astaanta u ah dhaqanka Soomaaliyeed ku sameyn jiray degmada C/casiis ee gobolka Banaadir, waxayna inta badan alaabadaas ka iibin jirtay ajaanibta dalka ku yimaada dalxiiska,” ayuu yiri Xasan mar uu ka hadlayay taariikhdeedii.

Ugu dambeyn, Xasan Maxamuud Jimcaale ayaa sheegay inaysan aaskeeda kasoo qayb-qalin mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena aysan weli ka hadlin mas’uuliyiinta dowladda haweeneydan ku sawirnayd mid ka mid ah astaanta Qarannimo ee Soomaaliya oo ah lacagta Shilling Soomaaliga ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya