4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 13, 2015
CORD oo Dalbaday in Kenya laga Taageero Sidii Ciidankooda looga soo Saari lahaa Somalia


Isniin, Abriil 13, 2015 (HOL) — Madaxda Mucaaradka Kenya ee (CORD), Rail Odinga iyo la guddoomiyihiisa, Kolonzo Musyoka ayaa weydiistay dowladda Mareykanka inay Kenya ka taageerto sidii ciidamada Kenya looga saari lahaa Soomaaliya.

Odinga iyo Musyoka oo kulan la qaatay laba mudane oo Mareykankan ah oo kala ah; Chris Coons iyo Kristen Gellibrand oo ka mid ah wafdi Mareykan ah oo safar ku jooga Kenya, iyagoo u sheegay inay doonayaan inuu ka geysto Mareykanku gacan sidii ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM uu looga saari lahaa Somalia.

Al-shabaab ayaa horay u sheegtay in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya, taasoo ay u sababeeyeen inay ka dambeyso weerarrada ay ka geysanayaan gudaha Kenya.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ay Al-shabaab ku qaadday Kenya ayaa ahaa kii ay Khamiistii lasoo dhaafay ku qaadeen Jaamacadda Gaarisa, kaas oo ay ku dileen 148-qof oo u badan ardaydii jaamacaddaas dhigayay, iyadoo weerarkaas uu noqonayo kii ugu xumaa ee ay Al-shabaab ku qaaddo Kenya tan iyo markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Somalia 2011-kii.

Codsiga madaxda CORD ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto uu sheegay maalin ka hor in Qaramada Midoobay ay muddo saddex bilood ah ugu rarto Somalia Qoxootiga ku jira xeryaha ku yaalla Dhadhaab Kenya.

Madaxda Mucaaradka Kenya ayaa u sheegay xildhibaannada Mareykanka ah in Kenya ay dhibaatooyin xanuun badan kala kulantay weerarrada ay kooxda Al-shabaab dalkooda ku soo qaadayso.

Sidoo kale, waxay labada xildhibaan kala hadleen booqashada uu Obama ku tagayo Kenya bisha July ee sannadkan. Taasoo noqonaysa tii ugu horreysay oo uu ku imaanayo Kenya oo uu kasoo jeedo aabbihii isagoo madaxweyne ah.

Ugu dambeyn, Odigan iyo Musyoka ayaa waxay weydiisteen Mareykanka inay ku qanci-yaan Beesha Caalamka in ciidammo kale loo dirto Soomaaliya si ciidamada Kenya looga saaro dalkaas.

“Waxaanu doonaynaa inaan ciidamadeenna kasoo baxno Soomaaliya si aan dhibaatada lagu hayo shacabkeenna, taasoo aan u aragno inay Beesha Caalamku si aad ah uga gaabisay arrintaas. Mucaarad ahaan waxaanu doonaynaa inaan dhibka dalkeenna lagu hayo yareyno, lana sugo amniga xuudaheenna,” ayuu kusoo gaba-gabeeyay Odigan hadalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo madaxweyne ku xigeenak Kenya uu sheegay in Kenya aysan ciidamadeenna kala baxayn gudaha Soomaaliya, ayna xoojinayaan dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya