4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 13, 2015
Munaasabad lagu sagootinayay danjire Maxamed Cali Ameeriko oo lagu qabtay Nairobi (SAWIRO)


Isniin, Abriil 13, 2015 (HOL) — Munaasabad lagu sagootinayay danjirihii hore ee Somalia, Maxamed Cali Ameeriko ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, iyadoo ay xafladdan ka
qayb-galeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, wasiirro hore, siyaasiyiin, waxgarad, culimaa’uddiin, haween iyo qaybaha bulshada ee ku nool Nairobi.

Wasiirkii hore ee wasaaradda dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ka sheekeeyay waxqabadkii danjire, Cali Ameeriko muddadii uu hayay xilka safiirka safaaradda Soomaaliya ee Kenya, isagoo sheegay in taariikhdu ay xusi doonto safiirka.

Sidoo kale, Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow oo isna hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay danjire Ameeriko, waxaana uu u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Intii ay socotay munaasabadda ayaa goobta lagu soo bandhigay warbixin ka hadlaysay wax-qabadka danjire Ameriko iyo taariikh nololeedkiisa,  heeso waddani ah, gabayo iyo buraan-buro lagu ammaanayay danjiraha.

Ugu dambeyn, waxaa xafladda soo xiray safiirkii hore ee Somalia u joogay dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) isagoo u mahadceliyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi, wuxuuna hoosta ka xariiqay in shaqada lagu aammanay uusan kaligiis qaban, balse ay lasoo qabteen dhammaan shaqaalaha safaaradda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya