4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 13, 2015
Xukuumadda Kenya oo shaacisay inaysan la bixi doonin Ciidamada kaga sugan Soomaaliya


Isniin, Abriil 13, 2015 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inaysan marnaba kala baxayn ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM gudaha Soomaaliya, kaddib markii ay Al-shabaab dhawaan ka dalbatay inay Kenya ciidamadeeda kala baxdo gudaha Somalia.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto ayaa sheegay in ciidankooda ku sugan Somalia ay la dagaalamayaan argagaxisada khatarta ku ah amniga Kenya.

“Argagaxisadu waxay naga dalbadeen inaan ciidamadeenna kala baxno Somalia, si ay qayb dhulkeenna ka mid ah u qabsadaan; innagu waxaan u sheegaynaa inaanan ciidamadeenna la bixi doonin, waxaana sidoo kale la yaabannahay madaxda u hadlay sidii ay u hashahay argagaxisada oo kale,” ayuu yiri Ruto uu ku sugan deegaanka Kakamega ee galbeedka Kenya.

Ruto oo sii hadlayay ayaa wuxuu mar kale yiri. “Marna uma ogolaanayno in argagaxisadu ay xitaa taako ka mid ah dhulkeenna qabsato. Waxaana ugu baaqayaa shacabka Kenya inay qayb qaataan sugidda amniga.”

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa sheegay in argagaxisada aysan ka guuleysan doonin , wuxuuna intaas ku daray in la joogo xilligii ay la dagaalami lahaayeen Al-shabaab.

“Waa mas’uuliyad wadareed in shacabka Kenya ay kawada qaybqaataan xoojinta amniga guud ee Kenya. Waa inaan joojinno ciyaaraha oo aan ka wada qaybqaadanno wax ka qabashada caqabada ammaan ee dalkeenna ka jira,” ayuu hadalkiisa ku daray Ruto.

Ruto wuxuu hadalkiisa ku daray in shacabka Kenya ay isticmaalaan qalab walba oo ay soo celinta amniga guud ee Kenya uga qaybqaadan karaan. Isagoo xusay in xukuumaddu ay qalab iyo gaadiid ku bixinayso sidii loo sugia lahaa amniga guud ee Kenya.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay dhawaan ay Al-shabaab iyo isbahaysiga mucaaradka ah ee Kenya ODM ay ka dalbadeen xukuumadda Kenya inay ciidamadeeda kala baxaan Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya