4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 12, 2015
Dabley Hubaysan oo Afduubatay Gaardhi ay leedahay Wasaaradda Maaliyadda Somaliland

Axad, Abriil 12, 2015 (HOL) — Dabley aan wali la aqoonsan ayaa saaka afduubtay gaadhi ay leedahay wasaaradda maaliyadda Somaliland ee gobolka Awdal, kaas oo marka u soo baxayay inuu shaqadiisa bilaabo.

Sida dad xog-oglaal ahi sheegayaan dablaydan ayaa qori ku qabtay darawalkii gaadhigaas wadatay oo markaas kasoo baxay hoteel uu degaanaa oo uu doonayey inuu ka shaqo tago, waxayna darawalka ku qasbeen inuu u kaxeeyo dhinaca galbeed ee magaaladda Boorama, kuwaas oo markii ay xadka Itoobiya ka talaabeen Dirawalkii iskaga tuuray ka dibna sidaas ku kaxaystay.

Ciidamada amnga ayaa falkaasi markii uu dhacay u xidh xidhay dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen, waxaanay wararku tibaaxayaan in kooxdan dablayda xidhiidh la leeyihiin jab-hadda uu hogaaminayo Suldaan Wabar oo hore ugu dhawaaqay inuu Somaliland dagaal la gali doono.

Ilaa imika ma jiraan wax warar ah oo la xiirira halka gaarigii la afduubay uu ku dambeeyey, mana jiraan wax wada hadal ah oo xukuumadda Somaliland iyo dhinaca uu u talaabay oo ah xadka Itoobiya taas oo Itoobiya lafteedu ka hadal, inkastoo dhowaan wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland, Ato Birhe Tesfaaye oo booqday magaaladda Boorama sheegay inaanay dawladdiisu wax lug ah ku lahayn arrimaha Suldaan Wabar, Somaliland iyo Itoobiyana uu ka dhexeeyo heshiis dhinaca amniga iyo ganacsiga ahi.

Dadka siyaasadda falanqeeyaa ayaa sheegay in Baabuurkaasi lala tagay dhinaca Itoobiya ay suurogal tahay inuu xumeeyo xidiidhka Somaliland iyo Itoobiya udhexeeya, maadaama oo hore u heshiiyeen in wixii labdda dhinac amniga waxyeelaya wax laga qabto.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland