4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 12, 2015
HADLIYE: Kenya kama helin Codsi la Xiriira dib u Celinta Qoxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab


Axad, Abriil 12, 2015 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa maanta sheegtay in wax dalab ah oo la xiriirta dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ku jira aanay ka helin xukuumadda Nairobi.

Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay inay saxaafada ka maqleen in xukuumadda Kenya ay hay’adda UNHCER weydiisatay inay muddo saddex bilood ah dib ugu celiso gudaha Soomaaliya Qoxootiga ku nool Dhadhaab-Kenya.

Hadliye oo la hadlay VOA-da ayaa cadeeyay in dowladda Somalia ay soo dhaweynayso dib u soo celinta Qoxootiga, laakiinse ay ku baaqayaan in marka hore la hubiyo inay xasillooni ka jirto deegaanada ay dadkaas kasoo kala jeedaan.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in xukuumadda Kenya iyo Qaramada Midoobay ay kala shaqayn doonaan dib u celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab ku nool, kuwaasoo qaarkood  xeryahaas ku noolaa muddo rubuc-qarni ah.

Afhayeenka hay’adda UNCHR ee dalka Kenya, Emmanuel Nyabera ayaa isna sheegay inay Kenya xaq u leedahay inay ilaaliso amniga dadkeeda, balse ay arrin adag tahay in muddada saddexda bilood lagu celiyo Qaxootiga.

“Inkastoo innagu aanan dowladda Kenya ka helin warbixin arrintan ku saabsan, haddana waxaan ku baaqaynaa in la ilaaliyo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee horay looga gaaray dib u celinta qoxootiga, kaasoo qodobbadiisa ay ka mid ahaayeen in la celiyo ciddii ogol oo keliya, balse aan qoxootiga lagu qasbin inay laabtaan,” ayuu yiri Nyabera oo warbaahinta la hadlay.

Dowladda Kenya ayaa sheegay inay tuhusan tahay in weerarada ay Kenya kusoo qaadayso Al-shabaab halka laga soo abaabulo ay tahay Xeryaha ay Qoxootiga Soomaaliyeed ku nool yihiin ee Dhadhaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya