4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 12, 2015
Xulista Ergooyinka soo Dooranaya Hoggaanka Maamulka Gobollada Dhexe oo la Billaabay


Axad, Abriil 12, 2015 (HOL) — Magaalada Dhuuso-mareeb ee gobolka Gal-guduud ayaa waxaa maanta ka billowday xulista ergooyinkii dooran lahaa madaxweynaha maamulka gobollada Mudug iyo Galguduud hoggaaminaya sannadaha soo socda, iyadoo ergooyinkan ay ka qaybglei doonaan shirka toddobaadkan ka furmi doona Cadaado.

Xulista ergooyinka ayaa waxaa ku howlan ugaasyo, odayaasha- dhaqanka iyo wax-garadka, iyadoo ergooyinka ay qaybsan doonaan beelaha gobollada dhexe, waxaana ergooyinkan ay tiradoodu noqonaysaa 510 xubnood.

Sidoo kale, shirar gooni-gooni ah ayaa ka socda magaalada Dhuuso-mareeb, kuwaasoo ay leeyihiin waxgaradka soo xulaya ergooyinkan. Iyadoo wararka ay intaas ku darayaan inay ergooyinkan qaybsanayaan 11-beelood oo gobollada dhexe ee dalka daga.

Waxgaradka ku sugan Dhuuso-mareeb ayaa laga doonayaa inay kusoo xulaan ergooyinkan muddo laba maalmood ah, waxaana liiska lagu wareejinayaa doonaa guddiga farsamada maamul u sameynta gobollada dhexe ee Somalia oo qaarkood ay hadda ku sugan yihiin Cadaado.

Dhanka kale, wararka ayaa intaas ku daraya in magaalada Muqdisho ay ka socoto xulista ergada, taasoo la sheegayo inay dowladdu ku lug leedahay, waxaana la filayaa in Muqdisho laga xulo 300 oo ergay oo dobollada dhexe kasoo jeeda.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xili uu wasiirka arrimaha gudaha Somalia ku dhawaaqay in Arbacada soo socota uu magalada Cadaado ka furmi doono shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya