4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 12, 2015
Kenya oo dagaalka ka dhanka ah argagaxisada Awgii Dalkeeda uga Musaafurisay 30 Ajaanib ah


Axad, Abriil 12, 2015 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa dalkeeda ka tarxiishay in ka badan 30-qof oo Ajnabi ah, kuwaasoo ay ku eedeysay inay ku lug lahaayeen falal dambiyeedyo ka dhacay dalkeeda.

Ajaanibta la tarxiilay oo u kala dhashay illaa todobo dal ayaa dowladda Kenya waxay ku sheegtay Musaafurintooda inay qayb ka tahay dagaalka ay kula jirto Argagaxisada, iyadoo sidoo kalana ku eedeysay dadkaas- ku lug’lahaanshaha Ganacsiyo sharci daro ahaa oo ay ka mid ahaayeen, ka ganacsiga daroogada, foolasha-maroodiga, filimada anshax-xumada ah, tahriibinta iyo sameynta musuq-maasuq.

Dadka la tarxiilay oo tiradoodu ay gaareyso 30 qof, ayaa waxaa kamid ahaa 9, qof oo u dhashay wadanka Nigeria, Lix u dhalatay dalka Guinea, Saddex Itoobiyaan ah, Saddex Jarmal ah, Labo Shiineys ah, Labo Tanzania iyo waliba qof Ukraine ah.

Ajaanibtaas la tirxiilay sidoo kale waxaa ku jiray kuwo bishii June ee sanadkii 2013-kii laga masaafurin Kenya balse dib ugu soo noqday.

Dowlada Kenya oo caddeysay dembiyada dadkaas ay galeen, ayaa sheegtay in Sagaalka qof ee u dhashay wadanka Nigeria ay badankoodu ahaayeen kuwo ka ganacsanayeen Daroogada nooca loo yaqaano (Heroin), waxaana ku jiray dadkaas nin lagu magacaabo Joe Oladimeji Ojo, oo dowlada Kenya ay ku sheegtay inuu isku magacaabay Guddoomiye Goboleedka Ururka dadka Nigeria ee Kenya joogo.

Sadexda qof ee u dhalatay dalka Guinea ayaa labo ka mid ah oo magacyadooda lagu kala sheegay, Nfaly Doukoure iyo Cherif Amara waxaa la xiray bishii lasoo dhaafay, iyagoo lagu eedeyay ganacsi sharci-daro ah oo la xiriiro fool-maroodiga. Waxaana sidoo kale la sheegay inay la sheegaynayeen kooxo si sharci-daro ah uga ugaarsato Kenya Foolasha Maroodiga iyo Wiyisha.

Sidoo kale Mohammed Fofana oo isagana u dhashay isla dalka Guinea, ayaa lagu sheegay inuu yahay Ganacsade caan ah oo ka macaasho dhanka Muqaadaraadka.

Saddexda qof ee u dhalatay  wadanka Itoobiya ee Kenya laga tarxiilay, ayaa waxaa kamid ah labo dumar ah oo lagu kala magacaabaa Sara Hassan Ali iyo Askale Lebendo Lodebo. Waxaana labadoodaba lagu eedeyay iney ku lug'lahaayeen tahriibin sharci darrado ah oo ilaa 50 qof oo Itoobiyaan ah looga tahriibinaayay wadanka Kenya ayagoo loo waday Dalka Koonfur Afrika.

Sebastyian Kryvskky oo u dhashay Wadanka Yukreyn oo la sheegay inuu daganaa Kenya 13-kii sano ee aan soo dhaafnay, ayaa la eedeyay inuu ku howlanaa Musuq-maasuqida Miishinada lacagaha lagula baxo ee loo yaqaano ATM-ka iyo waliba  tahriibinta Hubka iyo Daroogada halka Peter Petrausch oo asna u dhashay wadanka Jarmalka, ayaa la sheegay inuu ku howlanaa duubista Filimaan xun xun oo anshax daro ah iyo ka ganacsiga Daroogada.

Kenya ayaa ku sheegtay dadka ay musaafurinta iney qeyb ka ahaayeen falal dambiyeedyo ka dhacay dalkeeda, waxeyna sidoo kale ku goodisay iney wadankeeda ka tarxiili doonto cid kastoo damacdo iney kenya ku dhex sameyso dambiyadaas oo kale.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya