4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 12, 2015
Askari ka tirsan ciidanka Somaliland oo toogasho ku Dilay Taliyihii Guutada 93-aad ee Somaliland

Axad, Abriil 12, 2015 (HOL) — Alla ha naxariistee Taliyihii guutadda 93aad ee Ciidamada Militariga Somaliland laba xidigle Baashe Cabdi Cali ayaa la sheegay in lagu dilay deegaanka Ceelbuha ee bariga gobolka Sanaag.

Taliyahan waxa toogtay askari ka tirsan ciidanka, isla markaana uu muran iyo khilaaf soo kala dhexgalay sida wararku sheegayaan, inkasto weli si cad loo cadeyn sababta keentay inuu askarigaasi dillo taliyihiisa.

Wasaaradda Gaashaandhiga iyo taliska guud ee Ciidanka Militariga ayaan weli ka hadal dilkaasi, iyadoo wararku sheegayaan in gacan ku dhiiglihii dilay taliyaha markiba gacanta lagu qabtay, isla markaana maydkii marxuumka loo soo qaaday magaaladda Ceerigaabo.

Bilihii u dambeeyay waxa soo badanaya askarta amar diida samaynaysa, isla markaana dilal kula kacaya saraakiishoodda, iyadoo dadweynuhu inta badan arrintaasi ku eedeynayaa fulin la’aanta xukunadda dilka ah.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland