4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 12, 2015
Wasiirka Difaaca oo ka hadlay aasaaskii ciidanka Xoogga dalka iyo Marxaladihii uu soo Maray (SAWIRRO)


Axad, Abriil 12, 2015 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta khudbad ka jeediyay 55-sano guuradii kasoo wareegtay maalinta la aasaasay ciidamada xoogga dalka, isagoo sheeegay in ciidamada xooggu ay marxalado kala duwan soo mareen.

Jen. Diini ayaa sheegay in aas-aaskii ciidamada XDS waxay ahayd dhacdo taariikhi ah oo lagu unkay ciidan Qaran oo tiro yar laakiin tayo aad u fiican lahaa. Xilligaas kaddib CXSD waxay soo maray marxalado kala duwan oo ay lagu horumarinyo asluubtooda, tababarkiisa, qalabkiisa iyo tababarkiisa, taasi waxay keentay in ciidamadu ay si fiican u hantaan difaaca xuduudaha dalkooda, Cir, Bad iyo Dhulba, wuxuuna ciidamada ku amaanayaa gudashada xilkaas weyn ee ay ummada Soomaaliyeed u hayaan.

“Ciidamada xoogga dalka Somalia taariikhdiisa iyo guulaha ay qaranka u soo hoyeen aad ayay u badan yihiin, balse Ayaan-darro waxaa dhacday inay bur-bureen sannadkii 1991-kii. Markii ay burbureenna waxaa kala daatay dalka oo dhan. Iyadoo ay muddo nus-qarni ka badan kasoo wareegtay asaaskii ciidamada xoogga dalka, waxaana muhiim ah inaynu mas-kaxda ku haynno meesha aan maanta joogno oo ah meel hoosaysa, balse aan doonayno inaan dib u soo celino dhismihii ciidamada,” ayuu khudbadiisa ku yiri Jen. Diini.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in maanta ay joognaa meel billow ah oo dib ay ugu dhisayaan ciidamadii xoogga dalka, haddii aan dib loo dhisin ciidamadana aan mushkiladaha haysta dalka ee uu amigu ugu horreeyo la xallin karin.

“01dii Maarso ee sannadkan waxaan magacaabay guddi heer Qaran ah oo ka shaqeynaya isku dhafka ciidamada xoogga dalka, guddigaan wuxuu booqan doonaa dhamaan gobollada dalka, si loo helo ciidammo Soomaaliyeed oo isku dhafan oo aan ku salaysnayn gobol ama beel. Waxaana sameynaynaa ciidammo tababaran oo tayo leh, isla markaana hanan kara difaaca dalka,” ayuu Jen. Diini hadalkiisa ku daray.

Wasiirka Difaaca ayaa sidoo kale xusay in 25-kii Maarso sannadkan waxaan magacaabay guddi qiimeeya xeryaha ciidanka xoogga, guddigan ayuu xusay inay mari doonaa dhamaan xeryaha ciidamada xoogga ee dalka ku yaalla. Isagoo intaas ku daray in mustaqbalka dhow ay samayn doonaa xeryo ku habboon ciidamada Qaranka.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa u tacsiyeynayaa dhamaan ciidamadii u huray naftooda difaaca dalka, intii ku dhaawacantay iyo kuwii ku naafoowday dagaallada lagula jiro Al-shabaab. Wuxuuna xusay inuu u rajeynayo ciidamada xoogga guul, horumar iyo mustaqbal fiican.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya