4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 12, 2015
Madaxweyne ku xigeenka Khaatumo State oo ka hadlay Ciidamada kasoo Baxsanaya Somaliland


Axad, Abriil 12, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Khaatumo Cabdalla Maxamuud Cali (Caga-lule) ayaa ugu baaqay bulshada deegaannada ay soo maraan ciidamada ka soo baxsanaya Somaliland, isagoo ka dalbaday shacabka in gacan la siiyo oo la ambabixiyo.

Caga-lule oo shir-jaraa’id ku qabtay tuulada Saax-dheer oo 75-km Galbeed kaga aaddan magaalada Laascaanood ayaa ku celceliyay in ciidamada kusii jeeda deegaannadooda la nabad-geliyo hantida ay wataan iyo naftoodaba, wuxuuna xusay inay yihiin Somali fahmay inay qalad ku joogaan dhulkooda.

"Waxaan maqlayay hadallo uu sheegayo ninka ku xigeenka u ah Somaliland, waxaanan leeyahay riyuhu orgiga geesaha la' qaarba dhinac bay ku tiriyaan, malaha isagaaba is-dab-raynayee xiriir baan leenahay marna waa si kale. Suldaan Wabar ayaan wada-xiriirnay ayuu u jeedaa," ayuu Caga-lule yiri, isagoo ka jawaabayay hadal horay u sheegay Seylici.

Sidoo kale, Caga-lule oo wax laga weydiiyey xiisado degmada Widhwidh ka taagan ayuu sheegay inay ku booriyaan beelaha xiisaddu u dhexeyso inay u hoggaansamaan shareecada Islaamka; isla markaana ciidamadoodana ay kala qaadaan, wuxuuse ka gaabsaday inay wax-waxqabad ka geysanayaan.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo ayaa imaanaya xili ay deeganaani muddo dheer ka jirtay gobolka.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool