4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 12, 2015
Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Bay oo ku Baaqay in la Iska Celiyo Xarakada Al-shabaab


Axad, Abriil 12, 2015 (HOL) — Taliyaha booliiska gobolka Bay Col. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta sheegay inaysan jirin qaab looga badbaadi karo Xarakada Al-shabaab, isagoo ku baaqay in la iska dhiciyo; cid walba oo ka tirsan ee la qabtana la dilo.

Col. Mahad C/raxmaan oo la hadlayay munaasabad lagu xusayay maalinta ciidanka xoogga Somalia oo Baydhabo lagu qabtay ayaa ku eedeeyay Al-shabaab inay yihiin kuwo diiddan nabadda, nolosha, isla markaana arga-gaxiso ah.

“Haddii maanta aad ka badbaaddo Al-shabaab, berri kama badbaadi doontid ee hala iska celiyo, xal kale oo looga badbaadi karo oo aan ahayn in la iska celinayana ma jiro,” ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Bay.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa yiri. “Nimankan waa nabad-diid, nolol-diid iyo argagaxiso, cid kasta oo aan ku feker ahaynna waxaa ka go’an inay dilaan. Marka shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay iska celiyaan.”

Col. Mahad C/raxmaan ayaa bulshada Somaliyeed ku dhiiri-geliyay inay ku dhiirradaan inay iska dhiciyaan Al-shabaab, maadama aysan jiin ruux ay dhaafayan.

Hadalka taliyaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay gudaha degmada Baydhabo ka dhacayeen dilal qorsheysan oo ay geysanayaan xoogag la sheegay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya