4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 12, 2015
MADAXWEYNE XASAN: Muhiimadeenna 1-aad Waa Dhismaha iyo daryeelka Ciidanka (Sawirro)


Axad, Abriil 12, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ahna taliyaha guud ee ciidamada Qaranka ayaa hambalyo u diray ciidamada xoogga dalka oo maanta u dabaal-degay sannad-guuradii 55-aad ee kasoo wareegtey aasaaskooda.

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey munaasabad Wasaaradda difaaca ee Somalia ka dhacday oo lagu xusayay maalinta 12-ka Abriil ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay baal dahab ah kaga jiraan taariikhda Somalia, mar walbana ay u taagan yihiin inay dalkooda iyo shacabkooda difaacaan.

“Dal ma jiri karo haddii uusan lahayn ciidammo suga amnigiisa gudaha, kan xudduudaha badda iyo barriga. Somalia iyadoo taas ka duuleysa ayay 1960-kii sameysatay mid ka mid ciidamadii ugu taya fiicanaa Qaaradda Afrika. Maantana waxaa jirta baahi loo qabo ciidamo tayeysan oo shacabka ka hor leexiya inta yar ee ka harsan Alshabaab,’’ ayuu Xasan Shiikh yiri.

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in dowladda iyo dalalka saaxiibka la ah ay dadaal u galeen dib u yagleelidda ciidamada Qalabka Sida ee dalka, balse weli ay wax badan dhiman yihiin.

“Wax badan way inoo qabsoomeen dhanka dib u dhiska ciidankeenna, balse wax badan ayaa qabyo inaga ah. Ciidamadeennu weli waa curdan, mana haystaan agab iyo tababbaro ku filan, waxaadna la socotaan inaan inagoo dagaal ku jirna aan ku guda-jirno dhismaha ciidamada. Waxaan maanta idiin caddeynayaa in muhimadda koowaad ee dowladda Soomaaliya ay tahay dhismaha, tayeynta iyo daryeelka ciidamada Soomaaliya,’’ ayuu ku daray hadalkiisa.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa ammaan u jeediyeyay waddamada ku jira howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, dalalka Mareykanka, Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo kuwa kale ee ka qayb-qaatay dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa wuxuu ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed inay sii laba-jibbaaraan taageerada laamaha ciidamada amniga, isagoo dhanka kalena shacabka u xaqiijiyay inay dowladda ka go’an tahay hirgelinta barnaamijka Hiigsiga 2016-ka, isla markaana aanu jirin qorshe muddo kordhin ah oo ay dowladdiisu dooneyso.

Ugu dambeyn, munaasabadaasi kaddib wuxuu madaxweynuhu xarigga ka jaray isbitaalka saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo la dayactiray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya