4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 12, 2015
Maalinta Ciidamada Milateriga Somalia ee 12 Abriil oo laga Xusay Beledweyne [SAWIRRO]


Axad, Abriil 12, 2015 (HOL) — Munaasabad siweyn loo soo agaasimay oo ay goob-joog ka ahaayeen mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka gobolka Hiiraan saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa midowgga Afrika AMISOM, siyaasiyiin iyo dad koobnaa qeybaha kala duwan ee bulshada, taa oo lagu maamuusayay 55 sano- guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Beledweyne.

Taliyaha ciidamada xoogga ee gobolka Hiiraan Towane Axmed Gurey oo munaasabada ka hadllay ayaa sheegay in ciidammada malatariga meel kastoo ay joogaan maanta oo kale ay u tahay maalin weyn oo faraxadeed, gaar ahaan waxaa uu hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada xoogga ee ku sugan gobolka Hiiraan.

“Ciidamada militariga waxaa loo aas-aasay in ay difaacaan kana hortagaan cadawgga dibada iyo gudaha, gaar ahaan ciidammada xoogga Soomaaliya waxaa hor yaalla howlo culus oo ah inay dalkooda iyo dadkooda ka difaacaan cadawgga ku soo duullay ee sheegtay magaca Al-shabaab ayuu yiri'' taliyaha ciidamada.

Siyaasiga Cilmi Faarax Wabi oo ka mid ahaa xubnihii ka hadlay xafladda ayaa sheegay in uu shaqsiyan qeyb ka ahaa ciidammadii xoogga dalka Soomaaliyeed waqtigii ay jirtay dowladdii dhexe, isaga oo goobta ka sheegay in ciidammada militariga markii hore kasoo farcameen tiro yar oo ciidammo booliis ah, madaama booliisku yahay mid ka fac-weyn militariga.

Col Cismaan Dubad oo ha taliyaha ciidammada Jabuuti ee gobolka Hiiraan ayaa wax lagu faraxo ku tilmaamay in ay maanta kala qeyb-qaataan ciidammada militariga gobolka Hiiraan munaasabada xuska 55-sano guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay in saraakiisha ciidammada Jabuuti ku faanayaan in ay arkaan ciidammo dhisan oo militari Soomaaliyeed ah una shaqeynaya dalkooda iyo dadkooda.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirray ciidammada militariga iyo xasaaskooda, waxaana uu u rajeeyay sanadkan kiisa kale hormar iyo guul laga gaaro dagaallka ka dhanka ah sidda uu hadalka u dhigay cadawga.

Munaasabada ayaa noqoneysa tii ugu miisaanka cusleyd oo waayadii ugu danbeeyay lagu qabto gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya