4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 12, 2015
NAIROBI: Arday dhimasho iyo dhaawac ay soo Gaartay kaddib ay Maqleen Qarax Xooggan


Axad, Abriil 12, 2015 (HOL) — Ugu yaraan hal arday oo wax-ka-barta Jaamacada Nairobi ayaa geeriyooday 141 arday oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray, kaddib markii ay maqleen qarax gudaha jaamacadda ka dhacay, taasoo sababtay inay qaarkood iska soo tuuraan dhismaha jaamacadda.

Ardayda qaarkood ayaa ku dhawaaqayay markii ay ka boodayeen dhismaha jaamacadda erayo ay ka mid yihiin Al-shabaab ayaa Jaamacadda soo weerartay, taasoo walwalkii ay ardaydu qabteen sii kordhiyay, sababtayna inay kasoo boodaan dabaqyada shanaad iyo lixaad.

Qaraxa ay ardayda Jaamacadda Nairoib maqleen ayaa la sheegay inuu ahaa mid ka dhashay korontada Jaamacadda, iyadoo ardaydu u qaateen inay weerar kusoo qaaday jaamacadda.

Dhaawacyada ardayda ayaa la kala geeyay Isbitaalada Kenyatta iyo Kikuyu ee magaalada Nairobi si loo daweeyo, iyadoo la arkayay arday badan oo ay ku yaallaan dhaawacyo fudud oo laga soo daweeyay.

Ku xigeenka guddoomiyaha Jaamacadda, Peter Mbithi ayaa warbaahinta u sheegay in wiil ardayda ka mid ahaa oo 30-jir ah uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray, kaddib markii la geeyay dhaawiciisa isbitaalka.

“Ardayga geeriyooday wuxuu iska soo tuuray dabaqa shanaad ee dhismaha Jaamacadda, dhaawac culus ayaana gaaray,”ayuu mar kale yiri Mibthi oo ku daray hadalkiisa inay jiraan arday kasoo booday dabaqa lixaad ee dhismaha.

Sidoo kale, warbaahinta Kenya ayaa warinaysa inay jiraan arday dhaawacyo culus ay soo gaareen, kuwaasoo lagu daweynayo isbitaallada Nairobi, halkaasoo dhaawacyadooda lagula tacaalacyo.

Cabsida ardayda ee keentay inay sababto dhimashada iyo dhaawaca ayaa timid kaddib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadday toddobaadkii aanu soo dhaafnay Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo ay ku dileen 148-qof oo ardaydii u badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya