4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 12, 2015
Hogaanka Mareykanka iyo kan Cuba oo kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Waddanka Panama


Axad, Abriil 12, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Maraykanka, Barack H. Obama ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay madaxweynaha Cuba, Raul Castro uu noqon karo kulan wax badan ka badeli kara xiriirka Maraykanka iyo waddanka Cuba ee ay dariska yihiin.

Wadahadallo ay ku yeesheen labada madaxweyne Panama ayaa ah kuwii ugu horreeyay oo rasmi ah oo dhax-mara hoggaamiyeyaasha labada dal in ka badan nus-qarni ama 50-sano.

Obama ayaa wadahadalladaan ku tilmaamay kuwa mira-dhal ah, kuna dheehan furfurnaan; wuxuuna intaasi ku daray in Maraykanka aanu doonayn in u is-badel dhinaca xukuumadda ah uu ku sameeyo dalka Cuba.

Muhiimada kulanka, waxaa ka hadalay labada mas’uul iyadoo Obama uu ku tilmaamay mid taarikhi ah, isla markaasna uu sheegay inuu rajaynayo inay sii wadi doonaan hormarka ay ku tallaabsadeen.

Wuxuu ku tilmaamay kulankaas mid is-bedel ku keeni kara xiriirka dalka Maraykanka iyo guud ahaan kuwa gobolka.

Hoggaamiyeyaasha Latiin Ameerika iyo karebiyaanka ayaa soo dhaweeyay soo noolashada xiriirka Mareykanka iyo Cuba, waxayna sheegeen inay ahayd taallabo geesinimo ah, laguna soo af-jarayo cadaawaddii uu reebay dagaalkii qaboobaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya