4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 12, 2015
Haweeney isku sharaxday xilka Madaxnimo ee Maamulka gobolada dhexe ee Somalia (Sawirro)


Axad, Abriil 12, 2015 (HOL) — Marwo Dahabo Cabdi Max'ed (Dahabo Cuud) ayaa isku sharaxday xilka madaxweyne imo ee maamulka gobollada dhexe ee Somalia iyadoo noqotay haweeneydii u horreysay oo musharax ah.

Munaasabad shalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayay musharraxad Dahabo Cuud kaga dhawaaqday inay tahay isku taagtay xilka madaxweynenimo ee gobollada dhexe, waxaana soo dhaweeyay qaybaha bulshada iyo haweenka. Sidoo kale, waxaa munaasabada ka qayb-galay odayaa-dhaqanka, wax-garad, siyaasiyiin, haween iyo qurbo-joog kasoo jeeda gobollada dhexe.

Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka, Batuula Sheekh Axmed Gaballe oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso musharaxad Dahabo Cuud, waxaana ku dhiira-gelisay go’aanka ay ugu istaagtay inay musharax noqonto, iyadoo ugu baaqday ergooyinka tagi doona Cadaado inay codka siiyaan.

Waxaa kaloo munaasabadda ka hadlay, nabaddoon Maxamed Xasan Xaad iyo axamed Cabdi Shiddo oo sheegay inay soo dhaweynayaan murashax Dahabo Cuud, waxayna tilmaameen in haweenka ay udub dhexaad u yihiin bulshada, sidaas darteed ay u qalmaan inay noqdaan hoggaanka bulshada.

Dhanka kale, musharraxad Dahabo oo kusoo Wax-baratay Dalka Bakistaan, xilalna kasoo qabatay dowladihii KMG ahaa iyo ururrada bulsada rayidka ayaa ka hadashay waxyaabaha ku dhaliyay inay murashax noqoto, iyadoo xustay inay diyaar u tahay samata-bixinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada gobollada dhexe oo markii ay burburtay heykalkii dowladnimo ay la daris noqdeen dhibaatooyinka kala duwan, sida colaadaha, aafooyinka, bara-kaca, is aamin la’aanta, nabadgelyda xumada; sidaas darteed ay isu aragtay inay wax ka qaban karto dhibaatooyinkaas bulshada daashaday.

Musharaxadda ayaa shaacisay in loo baahan yahay isbedel ku dhaca xaaladda nololeed ee bulshadda ku dhaqan gobollada dhexe si ay u helaan xuquuqdooda aas-aasiga ah sida nabad-gelyo, caafimaad, waxbarasho, cadaalad, horumar, shaqo abuur-iyo dhaqaale ku filan.

Ugu dambeyn, musharraxadda ayaa caddeysay in is-bedelakaas loo baahan yahay uu imaan karo hoggaan toosan oo diyaarsan, waxayna balan-qaaday haddii ay loo doorto xilka madaxweynaha ay nafteeda u hurayso, kana faa’iideysanayso aqoonteeda, isticmaaleyso khibradda ay u leedahay dowlad-wanaaga iyo dimuquraadiyadda, kuna hagayso dadkeeda cadaalad, sinaan iyo wadaninimo, iyadoo soo nooleynayso midnimadda, wadajirka, iskaashiga, sharciga iyo kala danbeynta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya