4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 12, 2015
Inta badan Waddooyinka Magaalada Muqdisho oo loo Xiray Xuska Maalinta Milteriga Somalia


Axad, Abriil 12, 2015 (HOL) — Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalintii ciidamada millateriga Somalia la aas-aasay ayaa dabal-dagga maalintan awgeed loo xiray inta badan waddooyinka Muqdisho, iyadoo loo diiday dadka iyo gaadiidka.

Ciidammo fara badan oo kuwa dowladda ah ayaa lasoo dhoofay wadooyinka magaalada, kuwaasoo diiday socodka dadka iyo kan gaadiidka, si amniga loo sugo inta dabaal-daggu socdo.

Iskuullada iyo Jaamacadaha ayaa shalay la fasaxay si ardayda aysan ugu yeelan saameyn xirtaanka waddooyinka; iyadoo waddooyinka xiran ay ka mid yihiin, Maka Al-Mukarama, Soddonka, Wadnaha iyo tan Warshadaha.

Dabaal-dagga xuska ciidamada millateriga loogu Somalia oo ah kii 55-aad ayaa ka socota wasaaradda gaashaandhigga, iyadoo mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda ay ka qaybgalayan.

Munaasabadda ayaa lagu wadaa inay ciidamada milateriga Soomaaliya kusoo bandhigaan dhoolatus iyo gaadda-ka ciyaar ay ku muujinayaan awoodda iyo tababarka ciidannimo ee ay qabaan.

Ugu dambeyn, dabaal-daggan awgii ayaa waxaa ciidamada xoogga dalka u diray hambalyo ra’iisul wasaaraha Somali, Cumar C/rashiid oo Puntland ku sugan iyo wasiirka gaashaan-dhigga Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya