4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 11, 2015
Shaqaale Shiine ah oo Maanta uu Gacan-ka-hadal ku Dhex-maray Magaalada Hargeysa


Sabti, Abriil 11, 2015 (HOL) — Qaar ka mid ah Muwaadiniin u dhashay dalka Shiinaha ee ka shaqaysata Hargeysa, ayaa dagaal gacan ka hadal ahi dhexmaray, isla markaana u kala saftay laba garab.

Shaqaalahan dalka shiinaha ka soo jeedda ayaa isku weeraray Faashash iyo Birro kuwaa soo dhaawacoogii la keenay cisbitaalka guud ee Hargeysa, isla markaana lagula tacaalayo.

Dadka kasoo jeeda dalka Shiinaha ayaa ahaa kuwo ka xoogsada Somaliland, kuwaasoo is-maandhaaf dhex maray uu sababay in ay gacanta isula tagaan, halkaas oo shan qof oo ka mid ah kooxdaasi uu dhaawac ka soo gaadhay Dagaalka dhexmaray, qaarkoodna dhaawacoodu culus yahay.

Illa hadda ma jiro wax faaf-faahin ka bixyey, isla markana xukuumadda iyo shaqaalahan laftoodu kama hadalin, iyadoo xukuumaddu Waddo Sababta keentay inay dagaal gacan ka hadal ahi dhexmaro.

Kooxahan u dhashay Shiinaha ee dagaalka gacan ka hadalkii dhexmaray ayaa la sheegay in ay tiradoodu ahayd tobaneeyo qof, kuwaas oo ka shaqeeya Shirkaddo dalka ku yaalla.

Ciidanka booliska oo aanu isku daynay inay arrintan wax ka waydoono ayey noo suurogali wayday, waxaanay wali socda baadhitaankooda sababta isku khilaafeen.

Waa markii u horreysay ee kooxo Ajnabi ah uu dagaal ku dhex-maro Magaalada Hargeysa, iyadoo muddooyinkii u dambeeyey ay dalka ku soo badanayeen dadka u dhashay dalalka Aasiya iyo Carabaha, kuwaas oo shaqooyin kala duwan ka qabta Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.