4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 11, 2015
Kenya oo ku baaqday in Muddo saddex bilood ah lagu raro Qoxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab


Sabti, Abriil 11, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka waddanka Kenya William Ruto ayaa ku baaqay maanta in muddo sedex bilood gudahood ah ay hay'adda qoxootiga Dunida ee UNHCR ku xirto xeryaha Qoxootiga Dhadhaab, haddii kale ay khasab ku noqonayso in dowladda Kenya ay xeryahaas xirto.

Ruto ayaa dalbaday in xeryahaas loo raro gudaha dalka Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in go'aankaas ay ku wargliyeen hay'adda Qoxootiga Adduunka Qaramada ee UNHCR.

Arrintan ayaa ka dambaysay kaddib weerarkii ka dhacay Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, kaasoo ay ku dhinteen 148-qof. Iyadoo weerarkaas ay mas’uuliyaddiisa sheegtay Al-shabaab.

“Weerarkii Gaarisa waa mid bedelay dhaqankii hore ee Kenya, sida weerarkii 9/11 uu u bedelay Mareykanka,” ayuu Ruto ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray maanta oo Sabti ah.

Dowladda Kenya ayaa intaas raacisay inay tuhunsan tahay in xeryaha Qoxootiga Dhadhaab loo adeegsado xarun ay Al-shabaab weerarrada kasoo agaasinto.

Afhayeenka hay’adda UNHCR, Emmanuel Nyabera ayaa sheegay inaysan weli ka helin xukuumadda Kenya warqad go’aankan ah in gudaha Somalia loo raro xeryaha Dhadhaab, isagoo aan bixin wax faahfaahin ah.

Toddobaadkii hore ayay ahayn markii hoggaamiyeyaasha siyaasada Somalida-Kenay ayaa madaxweynaha waddankaas, Uhuru Kenyatta ugu baaqeen in xeryaha ku yaalla Dhadhaab si dhaqso ah loogu wareejiyo gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maalmo ka hor sheegay inuusan jirin xiriir ka dhexeeya qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee Kenya iyo Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya