4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 11, 2015
Banaanbax saameyn ku yeeshay Dhaq-dhaqaaqa Ganacsiga oo ka dhacay Magaalada Beledweyne


Sabti, Abriil 11, 2015 (HOL) — Dibadbax ay ka Qayb-qaadanayeen dad u badnaa haween iyo caruur oo duhurnimadii maanta ka bilaawday magaalada Beledweyne ayaa saameyn muuqata ku yeeshay dhaq-dhaqaaqii ganacsiga magaalada.

Bannaan-baxayaasha oo socod dheer kusoo maray qeybo ka mid ah magaalada ayaa xiray dhamaan goobihii ganacsiga, iyagoo ku dhawaaqay erayo ay uga soo horjeedaan maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo sida ay sheegeen fara-galin ku haya deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qaarkood oo ay HOL weydiisay sababta ay u mudaaharaadayaan ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan wax ay ku tilmaameen weerar ciidammada dowladda deegaanka  Soomaalida  Itoobiya ay kusoo qaadeen qeybo gobolka Hiiraan ka mid ah , iyagoo gubay sida ay xuseen mudaaharadayaasha deegaanno ay ku noolaayeen dad rayid ah.

Goobaha ganacsiga magaalada ayaa albaabada loo laabay, wuxuuna dibadbaxu soo gaaray ilaa maqribnimadii caawa.Ganacsatada magaalada ayaa is hortaag ku sameysay isku day ay ku doonayeen dibadbaxayasha in ay tayaaro iyo walxa kale ku shidaan wadada muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gadiidka.

“Waxaan rabnaa in aan la socodsiino dowladda federaalka iyo calaamka intiisa kale, fara-galinta ciidammada dowlad deegaanka Itoobiya ay ku hayaan gobolka, waana taa sababta u mudaaharaadeynno,” ayuu HOL u  sheegay Cabdi Sugaal oo ka mid ahaa dadkii isku soo baxa ka qeyb-qaadanayay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka oo ku aaddan isku soo bixii maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya