4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 11, 2015
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Maanta Dhagax-dhigay Hotel cusub oo laga dhisayo Garoowe


Sabti, Abriil 11, 2015 (HOL) —Ra’iisul wasaaraha xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid iyo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay Hotel cusub oo laga dhisi doono gudaha magaalada Garowe.

Hoteelkaan cusub oo lagu magacaabo Plam Hotel and Resort ayaa waxaa dhismihiisa ku baxaysa lacag dhan 10,000,000 (toban milyan oo dollar), waxaana la sheegay in lagu soo gaba-gabayn doonaa muddo aan badneyn.

Ganacsatada ku midoobay maalgashigan ayaa sheegay in hoteelkaan uu yahay mid loo dhamaystiray dhamaan adeegyada hoteelada Caalamiga ah ee ku yaaalla dalalka horumaray ,waxaana lagu wadaa in dhismihiisa ay qaadato muddo aan badnayn.

Abshir Cumar Haruuse oo ah maamulaha Hotelka ayaa sheegay hotelkaan in uu yeelan doono 12 dhisme oo leh dhammaan adeeyadooda,isaga oo xusay in qorshaha Hotelka lagu dhisay ay ku midoobeen qaar kamid ah ganacsatada Puntland.

"Adeegyada uu kaga duwanaan doono kuwa kale waxaa kamid ah in uu yeelan doono goobaha jimicsiga , dubaasha, dalxiiska, hoolalka shirarka oo kala duwan iyo masjidyo lagu cibaadaysto “ ayuu yiri Abshir oo la hadlayay marti-sharaftii joogtay madasha.

Mas’uulkan ayaa ujeedada hoteelkan loo dhisayo  ku sheegay inay tahay sidii uu qeyb uga noqon lahaa horumarka dalka, islamarkaana lagu dhiiri galiyo ganacstada Soomaaliyeed inay dalkooda maal-gashadaan.

“Runtii waa arin wanaagsan in ganacstadii inta isu tageen ay isla meel dhigeen in Hotelkan laga dhiso gudaha Soomaaliya gaar ahaan Puntland waana maal-gashi kor u qaadi doona horumarka dalka “ ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay munaasbadda.

Ugu danbayn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku amaanay ganacastada ku hamiyay dhismaha hoteelkaan, Isagoo sheegay inay qeyb weyn ka qaadanayo maalgashiga wadanka gudahiisa, waxaana  ganacsatada kale uu ugu baaqay inay dhulkooda malagashadaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]