4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 11, 2015
Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Hodan Maanta si rasmi ah Xilka ula Wareegtay (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 11, 2015 (HOL) — Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayay xilka kula wareegtay manta guddoomiyaha cusub ee degmada Hodan, Xaawo Maxamuud Cali (Xaawo Kiin), waxaana munaasabaddan ka qayb-galay mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka Banaadir iyo marti-sharaf kale.

Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan, C/llaahi Cali Kulane oo oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wax badan ay u qabsoomeen maamulka degmada intii uu xilka hayay.

Sidoo kale, guddoomiyaha cusub ee degmada Hodan, Xaawo Kiin oo iyadana ka hadashay munasabadda ayaa sheegtay inay si dhow u la shaqeyn doonto shacabka ku nool degmada; si looga wada qayb-qaato xasilinta amniga guud ee degmada oo ah goobaha ugu khatarta badan gobolka Banaadir.

Intaa kaddib waxaa xafladda ka hadlay ku simaha guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobalka ee dhinaca maaliyadda, Ismaaciil Macallin Cabdi Guure ayaa guddoomiyaha cusub ee degmada Hodan kula dardaarmay inay howsha halkeeda kasii wadi doonto.

Ugu dambeyn, guddoomiyihii hore ee degmada Hodan iyo guddoomiyaha cusub ayaa xilka kula kala wareegay goobta, iyagoo kala saxiixday warqadii xil-wareejinta degmada; iyadoo noqonaysa haweeneydii ugu horreysay oo guddoomiye ka noqota degmooyinka Muqdisho tan iyo markii Muun-gaab loo magacaabay xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir & duqa Muqdisho.

Si kasta ha ahaatee, xil wareejintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo sidoo kale uu maalintii Khamiista ahayd ee la soo dhaafay uu xilka la wareegay guddoomiyaha cusub ee degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya