4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 11, 2015
Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo Iska Fogeeyay Eedeynta ah inuu Taageero Al-shabaab


Sabti, Abriil 11, 2015 (HOL) — Sh. Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Soomaaliyeed, kuna jira 86-qof oo ay dhawaan dowladda Kenya kusoo rogtay xayiraad hntidooda, kaddib markii lagu eedeeyay inay taageeraan Al-shabaab ayaa iska fogeeyay inuu taageero kooxda Al-shabaab.

Sh. Umal ayaa yiri. “Waa wax aad loola yaabo in xukuumadda Kenya ay igu eedeyso inaan taageero Al-shabaab, ayna hantideyda xayirto. Arrintan aniga iska dhaafe qof kasta ayay yaab gelinaysaa, maxaa yeelay waa la og-yahay halka aan kala joogno aniga iyo Al-shabaab.”

“Anigu aad ulama yaabani in la igu eedeeyo inaan taageero kooxda Al-shabaab, maadaama aan ogahay inaan taageerin, nafteedana way og-tahay. Wax is-bedel ah ama saamayn ahna iguma yeelan doonto,” ayuu mar kale yiri Sheekh Umal.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in tallaabadan ay qaaday xukuumadda Kenya ay iyada uun dhaawac ku tahay, maadaama ay iska eedeysay dad badan oo uu ku jiro oo aan wax shuqul ah ku lahayn Al-shabaab iyo wixii la mid ah.

Wadaadkan ayaa warbaahinta ka weerara Al-shabaab, isagoona horay u caddeeyay inaanu waxba ka jirin sheegashadooda ah inay ku jiraan dagaallo Jihaad ah oo ay ku difaacayaan diinta Islaamka.

Ugu dambeyn, Sheekh Umal ayaa ka mid ah culummo xarumo ganacsi ku leh magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Iyadoo hadalkiisan uu yahay kii ugu horreeyay uu jeediyo tan iyo markii ay Arbacadii Kenya xayiraadaha kusoo rogtay 86-qof oo Soomaali u badan iyo 13-xawaaladood.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Kenya ayaa dadka ay xayiraada kusoo rogtay ku sheegtay inay taageeraan Al-shabaab, iyadoo kooxdani ay weerarro badan ku qaaday Kenya, kuwaas oo uu ugu dambeeyay weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo ay ku dishay 148-qof oo u badan ardaydii jaamacaddaas dhiganayay. 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya