4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 11, 2015
Madaxwaynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Sheegay inuu Aqblayo Haddii laga Guuleysto


Sabti, Abriil 11, 2015 (HOL) — Madaxweynaha deegaanka Soomaalida-Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay inuu aqbali doono haddii doorashada madaxweynenimo ee deegaanka Soomaalida Itoobiya looga guuleysto.

Cabdi Maxamuud ayaa sheegay in shacabka deegaanka ay dooran doonaan hoggaankood, wuxuuna xusay in xisbi ahaan ay hayaan wax-qabad ay horay uga qabteen deegaanka ayna rajeynayaa in mar kale lasoo doorto.

“Waxaa doorashada soo socota ku tartami doona shan xisbi oo uu ka mid yahay xisbiga ka taliya deegaanka ee aan anigu ka mid ahay; waxaana rumeysanahay in shacabku ay dooran doonaan ciddii tusta wax-qabad fiican,” ayuu yiri Cabdi Maxamuud oo la hadlayay BBC-da.

Sidoo kale, Cabdi wuxuu intaas ku daray in xisbiyada talada deegaanka ku tartami doona la diiwaan-geliyay, isla markaana ololaha doorashadu ay tahay mid meel wanaagsan maraysa xilligan.

“Dadweynaha deegaanku waxay wax ku dooranayaan waa rabitaankooda iyo ciddii tusta wax-qabad iyo horumar. Xisbiyada tartamayana guushiisu waxay ku xiran tahay hadba wuxuu la yimaado si uu shacabka ugu qanciyo,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxewynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Isagoo sii hadlaya ayuu xusay inay ku dadaali doonaan in doorashadu ay deegaanka uga dhacdo si xor ah oo xaq ah; isla markaana ay doorashadani noqoto mid si dumuqraadi ah ay ugu tartanaan shanta xisbi ee tartamaya.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd inuu aqbalayo haddii doorashada xisbigiisa looga guuleysto ayuu ku jawaabay. “Haa… waayo dadweynaha ayaa go'aankooda iska leh, ciddii ay xilka u dhiibtaan ayaa howsha wadaysa, ciddii aysan u dhiibbana xil qaban maayo.”

Ugu dambeyn, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in go’aanka shacabka lagu qasban yahay in la qaato, shanta xisbi ee tartamaya xisbigii la doorto ayaana deegaanka maamuli doona, kii laga guuleystana waa la maamuli.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya