4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 11, 2015
Wakiilada Somaliland oo Maanta Qaadacay lacag lagu soo Rogay Gaadiidka Dibadda laga keeno


Sabti, Abriil 11, 2015 (HOL) — Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ka hor yimid lacag dheeraad ah oo lagu soo rogay Gaadiidka Dekadda ka soo degaya, taas oo baryihii dambe isku haysteen ganacsatadda Gaadiidka soo dajisa iyo wasaaradda Hawlaha guud oo iyadu keensatay shirkad eegta tayadda baabuurka oo baabuur walba ka qaadan doonto lacag gaar ah.

Fadhiga maanta ayaa waxa la hor keenay Mooshin ka dhan ah lacagtaasi gaadiidku ka cabanayso ee lagu soo rogay, taas oo markii ay ka doodeen ku tilmaamay lacagtasi mid sharci daro ah, waxaana loo qaaday cod gacan taag ah taasoo ay fadhiyeen 59 xildhibaan oo 39 diideen lacagtaasi, halka tobana ogolaadeen sidaasna lagu meel mariyey in lacagtaasi sharci ahayn.

“Markaanu aragnay sicir-bararka iyo dhaqaalo la‘aanta ku habsatay dadka dan yarta ah. Markaanu aragnay Lacagta gaadiidka lagu soo rogay inay tahay takaaliif aan soo marin golaha wakiilada, waxaanu gole weynaha u soo jeedinaynaa in la laalo tagaaliiftaas sharci darrada ah ee gaadiidka la saaray”ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble oo ka hadlayey mooshinka golaha la horkeenay ee ku saabsan lacagta lagu soo rogay gaadiidka dibadda ka imanaya.

Ganacsatada Gaadiidka soo dejisa ayaa Olole badan ka galay sidii lacagtaasi looga dhaafi lahaa kadib markii Xukumaddu ruqsad u siisay Shirkad xafiis ka furatay Berbera oo lagu sheegay inay ilaalinayso tayada gaadiidka isla markaana gaadhigii kasta ee soo dega ka qaadaysa lacag dhan 80 Dollar.

Ganacsatada ayaa Lacagta ku tilmaantay mid dad gaar ah lagu naasnuujinayo looguna samaynayo Mashruuc ay lacag ku gurtaan, balse Wasiirka hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa hore ugu dooday inay tahay lacag ay Wasaaraddiisu jidaysay oo lagu dhawrayo tayada gaadiidka dalka soo galaya.

Ganacsatadan ayaa sheegay in 31 cisho wax gaadiid ah laga soo dejin dekadda, isla markaana ay buux dhaafeen dekadda dhexdeedda iyo maraakiibtii lagu soo raray, iyagoo sheegay inay hadda gaadiidka dekadda yaalla ka badan yihiin kun gaadiid ah.

Golaha Wakiilada oo inta badan lagu dhaliilay kuwo fadhiid ah ayaa go’aankan noqonayaa kii ugu adkaa ee ay qaataan, isla markaana ka hor-yimaada mashruuc ay xukuumaddu wadato, maadama oo xildhibaanaddu inta badan u badan yihiin muxaafad.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland