4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 11, 2015
Odoyaal iyo Waxgarad kasoo jeeda Gobolka Gedo oo beeniyay in ay ka baxeen Shirka Kismaayo

Sabti, Abriil 11, 2015 (HOL) — Odoyaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Kismaayo si kulul u beeniyay warar sheegaya in ay isaga baxeen shirka lagu dhisayo baarlamanka Jubbaland ee ka socda magaalada Kismaayo.

Kulankan ayaa ka danbeeyay kadib markii ugaaska Beesha Sade  Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi oo shalay ka dagay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya mudooyinkii u danbeeyayna ku sugnaa magaalada Kismaayo uu sheegay in uu isaga soo baxay shirweeynaha dhismaha baarlamanka Jubbaland.

Salaadiin, nabadoonno iyo siyaasiyiin kala duwan oo goobta ka hadashay ayaa dhammaantood si isku mid ah u beeniyay in beesha Sade ay ka baxday shirka dhismaha baarlamanka maamulka Jubbaland ee ka socda Kismaayo, waxayna sheegeen in shirku uu socdo dhawaanna la dhisi doono baarlamanka.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubbaland Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), wasiirro ka tirsan maamulka Jubbaland iyo siyaasiyiin kale oo dhamaantood kasoo jeeda gobolka Gedo,waxayna si wadajir ah u sheegeen in ay qeyb ka yihiin shirka lagu dhisayo baarlamanka Jubbaland.

Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegeen in maalmaha fooda nagu soo hayo la shaacin doono xubnaha baarlamanka uu yeelan doono maamulka Jubbaland, isagoo intaa ku daray in ammaanka magaalada Kismaayo uu yahay mid la isku haleyn karo.

“Masuul ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa warbaahinta waxa uu ka sheegay in Kismaayo dadka lagu dilo oo ammaan darro ay ka jirto, waxaan uga jawaabayaa, hadii ammaanka Kismaayo uu xunyahay malagu marti gelin lahayn shirweeynaha lagu dhisayo baarlamanka Jubbaland oo ay kasoo qeybgaleen dadweeyne kala duwan,” ayuu hadalkii raaciyay Mudane Fartaag.

Kulanka ay maanta isugu yimaadeen odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa kusoo beegmaya xilli Ugaas Max’ed Xaashi oo ah ugaaska Beesha Sade oo shalay gaaray Muqdisho uu sheegay in uu isaga baxay shirka dhismaha baarlamanka Jubbaland ee ka socda Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya