4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 11, 2015
Ganacsatada Jaadka Kenya oo shaaciyay in Amni Xumada Kenya ay Sameysay Ganacsigooda


Sabti, Abriil 11, 2015 (HOL) — Ganacsatada Jaadka Kenya ayaa sheegay maanta in amni-xumada ka jirta gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya uu saameyn xooggan ku yeeshay ganacsigooda.

Sidoo kale, ganacsatada ayaa xusay in tani ay sii adkeeyay ganacsigooda, kaddib markii ay joojisay Britain Jaadkii loo dhoofin jiray waddankeeda oo ahaa suuqa weyn ee ay haysteen.

Bandowga lagu soo rogay magaalooyinka Mandheera, Wajeer, Gaarisa iyo Tana River oo ku yaalla Waqooyi-bari Kenya ayay sheegeen inay saameyn xooggan ku yeelatay iibsiga Jaadka.

Madaxa ururka ganacsatada Jaadka ee Kenya, Jacob Miriti ayaa weydiistay xukuumadda Kenya inay dib u soo celiso dhoofintii Jaadka ee dalka Britain.

“Somalia waa suuqa ugu weyn ee Jaadka Kenya loo dhoofiyo. Sidaa daraadeed waxaana xukuumadda weydiisanaynaa inay amniga adkeyso, taasoo ah mid u wanaagsan ganacsi-geenna,” ayuu yiri Miriti.

Jacob Mitiri ayaa intaas ku daray in magaalooyinka Gaarisa, Mandheera iyo Mandheera ay maalin walba u diri jireen ugu yaraan toddoba gaari oo uu qaad ku raran yahay. Wuxuuna xusay in amni-darrada ee soo korortay ay hoos u dhigtay qiimaha qaadka, sidoo kalena uu suuqu hoos u sii dhacayo.

“Ganacsigeenna ma ahan hadda mid na kaafin kara… waayo beeraleyda iska leh ganacsiga Jaadka waxaa horay u saameeyay joojintii qaadkii loo dhoofin jiray Britain,” ayuu yiri Jacob, isagoo intaa raaciyay inay taas u dheer tahay iyadoo gaadiidkooda Somalia aada ay beegsato Al-shabaab.

Dhanka kale, Ismaaciil Macallin oo ah ganacsate magaalada Wajeer Jaadka geeya maalin walba ayaa isna sheegay in bandowga uu saameyn xooggan ku yeeshay ganacsigooda.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay ka shaqeynayso xukuumada sidii nolosha beeraleyda Jaadka loo hagaajin lahaa, isla markaana ay suuq ugu heli lahaayeen ganacsigooda.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka ganacsatada Kenya ayaa wuxuu imaanayaa xilli Kenya ay sidoo kale xayiraad kusoo rogtay xawaaladaha waddankeeda ka howlgala, kuwaasoo ay ganacsatada Somalia lacagaha sii marsiin jireen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya