4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 11, 2015
C/weli Gaas oo Dowladda Somalia ka Dalbaday in Dastuurka laga Daayo Fara-galinta


Sabti, Abriil 11, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa ka sheegay shir u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Puntland oo maanta ka furmay Garoowe in dowladda Somalia looga baahan yahay in fara-gelinta laga daayo dastuurka Soomaaliya.

‘Waxaan aaminsan-nahay in dastuurka ay ku socoto fara-gelin, waana in dastuurka fagashada laga daayo, waxa la badalayo waa inay noqdaan wax la isla og-yahay,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo shaki ka muujiyay is-badallada lagu sameeyay dastuurka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo isna hadlay ayaa sheegay in wadahadalladan laga filayo inay noqdaan kuwa mira-dhal ah, diiraddana lagu saari doono sidii xal loogu heli lahaa khilaafyada labada dhinac soo kala dhex-galay.

“Dowladda Somalia iyo Puntland waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, isla markaana waa lasii amba-qaadi doonaa heshiisyadii horay loo gaaray iyo sidii loo hirgalin lahaa,” ayuu yiri Sharma’arke.

Arrimaha shirka loog hadli doono; waxaa ka mid ah shirka maamulka loogu dhisayo gobollada dhexe ee Somalia, waxaana madaxweynaha Puntland uu shirka ka sheegay inaysan kasoo horjeedin hir-galinta maamulka gobollada dhexe haddii hab-sharci ah loo marayo.

Ugu dambeyn, Waxay labada dhinac iska dhex-xuleen guddi la socon doona wada-hadaladan iyo sida ay u socdaan, waxaana lagu wadaa in marka lasoo gaba-gabeeyo laga soo saaro war-murtiyeed qeexaya wixii lagu heshiiyay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]