4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 11, 2015
Qoxooti Somali ah oo kasoo Cararay Colaadaha Yemen oo gaaray Dekedda Boosaaso (SAWIRRO)


Sabti, Abriil 11, 2015 (HOL) — Dekeddda magaalada Boosaaso ayaa waxaa soo gaaray shalay oo Jimco ahayd dooni siday Soomaali oo ka soo cararay colaadaha ka taagan dalka Yemen, iyagoo noqonaya qaybtii 3-aad oo qoxooti kasoo cararay Yemen ah oo soo gaara Puntland.

Qoxootigan oo tiradoodu ahayd 260-qof oo isugu jiray dumar, rag, carruur iyo dad da’ah; iyadoo qaarkood lagu waday gawaarida loogu talo-galay inay ku socdaan curyaamiinta, halka qaarkood ay qabeen xanuuno kala duwan.

Maamullada gobolk Bari iyo kan Boosaaso, waxgarad, siyaasiyiin, ganacsato, dhallinyaro, haween, saraakiil, xildhibaanno, wasiirro iyo xubno ka socday hay’adaha ka howlgala gobalka Bari ayaa dadkan kusoo dhaweeyay dekedda iyadoo la siiyay markiiba cunnooyin, biyo iyo daawo.

Dadkan qaar ka mid ah ayaa markiiba la dhigay xarumaha caafimaadka si looga daweeyo xanuunno ay qabeen, halka kuwo kale la dajiyay goobo loogo talo-galay in lasii dajiiyo qoxootiga in xerooyin rasmi ah looga sameynayo.

Haween ka mid ahaa dadka kasoo cararay dalka Yemen ee Boosaaso gaaray ayaa kusoo dhex-umulay doonida intii ay safarka kusoo jireen. Iyagoo doonidaan keentay Boosaaso kasoo raacay magaalada Mukallah ee Koonfurta dalka Yemen.

Duqa magaalada Boosaaso, Xasan Cabdalla Xasan oo warbaahinta kula hadlay gudaha dekedda Bosaso ayaa sheegay in doonidan ay ahayd dooni siday dadkii ugu badnaa ee ka soo carara dagaallada Yemen ka socda, isla markaana si loogu soo dhaweeyey magaalada si wanaagsan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, C/llaahi Xaashi (Qoob-deero) oo isna la hadlay saxaafadda ayaa xusay in Puntland ay horay u soo gaareen 420-qof oo Somali ah, kuwasoo kasoo cararay dalka Yemen, halka maanta ay qaabileen 260-qof, isla markaana kuwa kale la filayo inay soo gaaraan Boosaaso.

Gunaanadkii, Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo La-dagaallanka Burcad-badeedda Puntland, C/llaahi Jaamac Saalax ayaa xusay inay ka go’an tahay inay si wanaagsan u soo dhaweeyaan qoxootiga soo gaaraya Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya